• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Safar Ku Tagaya Addis Ababa

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
8 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh
Share

Wararka24: 22-01-2026 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu maanta safar ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono munaasabadda 90-guurada aas-aaska Ciidanka Cirka Itoobiya.

Xafladaha dabaal-degga ayaa la qorsheeyay inay socdaan inta u dhexeysa 23-ka illaa 27-ka Janaayo, iyadoo ay ka qeyb galayaan madax iyo wufuud kala duwan oo ka socota dalalka gobolka iyo saaxiibada Itoobiya.

Warar laga helayo ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in inta uu safarku socdo la filayo kulan gaar ah oo dhex mara Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimo la xiriira xiriirka labada dal iyo xaaladda siyaasadeed ee gobolka.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale la sheegay inuu doonayo inuu door dhexdhexaadin ah ka qaato khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Maxamed bin Zayed, kadib markii dowladda Soomaaliya ay burisay heshiisyo iskaashi oo ay la lahayd Abu Dhabi.

Itoobiya ayaa xiriir istiraatiiji ah la leh Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil, iyadoo labadaas dal ay la gashay heshiisyo dhinacyo badan taabanaya, kuwaas oo saameyn ku leh siyaasadda gobolka.

Safarkan ayaa noqonaya booqashadii sagaalaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tago Itoobiya tan iyo markii uu xilka mar labaad la wareegay, ku dhowaad afar sano ka hor.

Inta uu joogo Addis Ababa, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa inuu Itoobiya kala hadlo mowqifkeeda ku aaddan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, iyo saameynta arrintaasi ku yeelan karto xasilloonida gobolka.

Dhanka kale, magaalada Addis Ababa ayaa lagu wadaa inay horraanta bisha Febraayo martigeliso shir-madaxeedka Midowga Afrika, kaas oo ay ka qeyb geli doonaan madaxda dalalka Afrika.


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.