• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh oo sheegay in Itoobiya ay ku Saxan-tahay doonista marin-badeed..

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
12 months ago
Reading Time: 4 mins read
Xasan Sheekh
Share

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in codsiga Itoobiya ee ku saabsan helitaanka marin badeed uu yahay mid sax ah, isla markaana aan loo baahnayn in uu khilaaf dhaliyo, sida lagu sheegay warbixin uu baahiyay telefishinka dowladda Itoobiya ee EBC Talaadada maanta ah, 14-ka Oktoobar 2025.

Warbixinta EBC ayaa xustay in Heshiiskii Ankara ee ay saxeexeen Soomaaliya iyo Itoobiya 12-kii Diseembar 2024 uu ahaa mid muhiim ah oo xoojiyay xidhiidhka labada dal, isla markaana horseeday is-afgarad cusub oo ku saabsan arrimaha badda, nabadda iyo iskaashiga dhaqaale.

“Iyadoo Turkigu uu door muhiim ah ka qaatay fududeynta heshiiska, labada dal ee deriska ah oo uu ka dhexeeyo xidhiidh dhiig iyo taariikhi ah, ayaa u tallaabay waddo cusub oo iskaashi iyo nabad ku dhisan,” ayaa lagu yiri warbixinta ay daabacday EBC.

Sida ay sheegtay warbixintu, Itoobiya ayaa muujisay diyaar garow ay ku doonayso in ay sii waddo dadaalkeeda ku aaddan helitaanka marin badeed iyadoo ixtiraamaysa madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Dhanka kale, Soomaaliya ayaa caddeysay in ay diyaar u tahay iskaashi dhaqaale iyo mid amni oo waara, si labada dal ay u xoojiyaan nabadda iyo horumarka gobolka.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in labada dal ay ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka taariikhiga ah, isla markaana si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadda, horumarka iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Xasan Sheekh
Addis-ababa. Oktoobar 12, 2025; Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya DR Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Addis Ababa, Itoobiya Isagoo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mudane Abiy Ahmed Creadit photos Villa somalia

EBC ayaa sidoo kale sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhowr jeer booqday magaalada Addis Ababa, halka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu isna dhowr jeer yimid Muqdisho, iyadoo labada hoggaamiye ay isla garteen in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo la dagaallanka argagixisada.

Qodobbo kale oo muhiim ah oo lagu sheegay warbixinta waxaa ka mid ah ballaadhinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoojinta maalgashiga iyo ganacsiga, arrimo ay labada dal si dhow uga wada shaqeynayaan.

Sidoo kale, EBC ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kamid ahaa madaxda lagu casuumay xafladdii furitaanka biyo-xidheenka weyn ee GERD, isaga oo ka qeyb qaatay xadhig ka jarista mashruuca, taas oo lagu tilmaamay calaamad cusub oo muujinaysa kalsooni iyo is-afgarad siyaasadeed oo labada dal dhex maray.

Xasan Sheekh

Warbixinta EBC oo soo xiganaysay wareysigii uu Madaxweyne Xasan Sheekh siiyay telefishinka Al-Arabiya ayaa sheegtay in uu madaxweynuhu caddeeyay in biyo-xidheenka Itoobiya “aanu cidna waxyeellayn doonin,” isla markaana uu xusay in horumarka Itoobiya uu faa’iido u leeyahay Soomaaliya maadaama ay yihiin laba dal oo deris ah oo xuduud dheer wadaaga.

“Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in su’aasha Itoobiya ee ku saabsan marin badeed ay tahay mid sax ah oo aan loo baahnayn in dagaal lagu xalliyo, balse lagu wajaho wadahadal iyo iskaashi,” ayaa lagu yiri warbixinta EBC oo sii xiganaysa wareysigaas.

Xasan Sheekh

Booqasho uu Madaxweyne Xasan Sheekh shalay ku tagay magaalada Addis Ababa ayuu kula kulmay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, iyadoo labada hoggaamiye ay isla garteen in la dardargeliyo iskaashiga dhinaca dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, iyo nabadeynta gobolka, si loo xaqiijiyo barwaaqo iyo horumar wadajir ah.


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.