Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Mahad Salaad oo damaanad amni u fidiyay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni si…..

Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa xalay booqasho ku tegay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo ku sugan xerada Xalane, halkaas oo uu ugu bandhigay damaanad amni si ay ugu tagaan Villa Soomaaliya wada-hadallada…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 16, 2026, 12:24 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Mahad Salaad oo damaanad amni u fidiyay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni si…..
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa xalay booqasho ku tegay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo ku sugan xerada Xalane, halkaas oo uu ugu bandhigay damaanad amni si ay ugu tagaan Villa Soomaaliya wada-hadallada ay la leeyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mahad Salaad ayaa hoggaamiyeyaasha labada maamul kula shiray hoteelka ay ka degan yihiin gudaha xeyndaabka garoonka Aadan Cadde, isagoo ku booriyay in wadahadallada rasmiga ah lagu qabto xarunta Madaxtooyada si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee taagan.

Sidoo kale, Agaasimaha NISA ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), iyadoo laga wada hadlay is-mari-waaga siyaasadeed iyo sida xal loogu heli karo muranka ka dhashay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah.

Dood xooggan ayaa weli ka taagan halka lagu qabanayo wada-hadallada u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, waxaana Jubbaland iyo Puntland ay ku adkeysanayaan in shirka lagu qabto gudaha xerada Xalane, halka Villa Soomaaliya ay ku adkeysanayso in Madaxtooyada lagu qabto.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa si kulul uga jawaabay hadal kasoo yeeray Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga, kaas oo sheegay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay ku qasban yihiin inay tagaan Villa Soomaaliya, isagoo tilmaamay in madaxda Jubbaland iyo Puntland aysan ku qasbanayn in Madaxtooyada tagaan, balse ay u joogaan “badbaadinta dowladnimada dalka.”

Kulamada u dhexeeya madaxda mucaaradka, madaxweynayaasha maamullada iyo saraakiisha ammaanka ayaa weli socda, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda ay caddeeyaan halka ugu dambeyn lagu qaban doono wada-hadallada rasmiga ah.

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa xilli dalka uu wajahayo is-mari-waa xooggan oo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

18 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

19 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.