• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cadaadis Weyn Kuhaayo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka?

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
2 years ago
Reading Time: 4 mins read
Madaxweyne Xasan Sheekh
Share

 Xasan Sheekh

Muqdisho Wararka24:–Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa cadaadis ku saaraya Taliska Militariga in ay muddo kooban ku soo afjaraan dagaalyahannada Al-Shabaab ee isku fidinaya Gobolka Shabeellaha Dhexe..

Warar la helay ayaa tilmaamaya in xafiiska ugu sarreeya ee dalka uu xiriir joogto ah la leeyahay hoggaanka sare ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga, si loo dardargeliyo qorsheyaal waxtar leh oo dib loogu riixayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo khatar ku haya amniga bariga gobolkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah cadaadis ugu saaraya Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage, si loo dhaqan geliyo weerarro degdeg ah oo lagu wiiqayo Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweyne Xasan Sheekh

Inkasta oo General Odawaa uu maalmahan ku sugnaa furimaha dagaalka ee gobolkaasi, haddana waxaa la filayaa Kadib cadaadiski Madaxweyne Xasan Sheekh in Wasiir Jaamac uu isna dhawaan safar ku tago furimaha hore. Dhanka kale, saraakiisha howlgalada ee ciidanka xoogga ayaa Muqdisho ka diyaarinaya ciidamo hor leh, kuwaas oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda Shabeellaha Dhexe.

Warbixinno kale ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan Kumaandooska Danab laga soo qaadi karo magaalada Kismaayo, si loogu biiriyo ciidamada ku sugan Hirshabelle, iyada oo la qorsheynayo in toddobaadka soo socda laga beddelo xaaladda amni ee gobolka.

Sidoo kale, ilo-wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Villa Somalia ay dowladaha Mareykanka iyo Turkiga ka codsatay in ay sare u qaadaan duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Weerarrada cirka ayaa la filayaa in ay fududeeyaan howlgallada ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa ka socda galbeedka Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Golaha Wasiirrada ayaa dhowaan shacabka uga digay in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, si ay uga badbaadaan duqeymaha la qorsheynayo.

Weerarrada ay Al-Shabaab ka wadaan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa hakad geliyay wajigii labaad ee howlgalka militari ee lagu waday in laga fuliyo gobollada Hirshabelle bilihii January iyo February. Dowladda ayaa dadaal xooggan ugu jirta in ay dib u bilowdo weerarrada lagu ciribtirayo kooxdaas.


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.