• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Macalin Mahdi: Qalqalgelinta amniga ma aqbalayno, qof walba waa lala xisaabtamayaa, xabsi madow ayuu galayaa!

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 years ago
Reading Time: 4 mins read
Ciidamada Amniga
Share

Macalin Mahdi
Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), iyo Macalin Mahdi Cumar Muumin

Muqdisho (Wararka24) – Ciidamada Amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa digniin culus u diray dadka wax ku qora baraha bulshada ee lagu tuhunsan yahay inay si dadban ula shaqeynayaan maleeshiyada Al Shabaab, iyagoo faafinaya warar lagu qalqalgelinayo amniga caasimadda Muqdisho, Macalin Mahdi.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin, ayaa si adag u sheegay inaan la aqbali doonin in qofna uu bartiisa bulshada ka dhigo goob lagu taageero ama lagu faafiyo warar been abuur ah oo ka faa’iideynaya kooxaha argagixisada.

“Cid laga aqbalayo ma jirto inay barrahooda bulshada ku soo qorto been abuur ay ku saacideyso Khawaarijta. Marnaba ma aqbalayno!” ayuu yiri taliyaha, isagoo carrabka ku adkeeyay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo falkaasi lagu helo.

Macalin Mahdi ayaa xusay in aysan indhaha ka laaban doonin dadka wax ku qora baraha bulshada ee shacabka qalqalgelinaya.

“Wiil Xamar jooga oo hotel dhex fadhiya oo wax macno lahayn qoraya si uu shacabka caasimadda ugu argagixiyo, arrintaasi lagama yeelayo! Asaga hadda dhiig kama socdee, dhididaa ka keenaynaa, qol mugdi ah ayaan ku xiraynaa!” ayuu yiri taliyaha, isagoo hadalkaasi ka jeediyay kulan afur wadareed ah oo xalay lagu qabtay xaafadda Taleex ee Degmada Hodan.

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Garab Istaagay Macalin Mahdi

Macalin Mahdi
Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh),

Guddoomiyaha Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), oo isna ka hadlay kulanka, ayaa sheegay in aysan dooneyn in cidna afka u furto Al Shabaab, isagoo bulshada uga digay inay faafiyaan warar ay wax ku qalqalgelinayaan.

“Waxaan xoojinayaa warka Taliyaha Qaybta Guud, oo uu lahaa ammaanka ciyaar ciyaar ma galo. Maamulka Gobolka Banaadir, laamaha amniga iyo shacabka dhammaantayo waxaan u taaganahay horumarka, ammaanka iyo dowladnimada Muqdisho.”

Yabooh ayaa shacabka ku booriyay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isagoo sheegay in Al Shabaab ay yihiin cadowga nabadda.

Digniintan ayaa timid saacado un kadib markii Golaha Wasiirada ay soo saareen go’aamo adag oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab. Golaha ayaa shacabka uga digay inaysan la macaamilin kooxaha argagixisada, isla markaana ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin, si aysan waxyeello ugu geysan duqeymaha cirka ah ee lagu beegsanayo xarumaha argagixisada.

Ciidamada Amniga ayaa ballan qaaday in ay si dhow ula socdaan dadka faafinaya wararka been abuurka ah, iyagoo uga digay in ay wajihi doonaan ciqaab culus.

Digniintaan ayaa timid markii 2dii bishaan marso Laxiray Weriye Cali Aadan Muumin, oo ka mid ah suxufiyiinta si weyn looga yaqaan caasimadda Muqdisho, Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in wariyaha loo haysto eedeymo la xiriira amni-darro iyo hadalo aflagaado ah oo uu mas’uuliyiinta DF Ku aflagaadeeyey.

Cali aadan ayaa hada lasoo daayey kana mid ahaa dhalinyaradi xali kasoo qeyb galey afurki kadhacay degmada hodan, Ee ay masuulIyiinta Ciidamada Amniga ugu hadleen Amniga caasimada Muqdisho iyo guud ahaan dalka….


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.