• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Faahfaahin: Shabaab oo ku dhamaaday qarax ay sameynayeen, Deegaanka Laba Garas

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
2 years ago
Reading Time: 4 mins read
Al-Shabaab
Share

Al-Shabaab
Shabaab oo ku dhamaaday qarax ay sameynayeen

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax culus uu maanta ka dhacay deegaanka Laba Garas, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab. Qaraxa ayaa la sheegay inuu sababay khasaare kala duwan oo soo gaaray kooxda diyaarinaysay dhimasho iyo dhawacba.

Ilo wareedyo xaqiijinaya dhacdada ayaa sheegaya in qaraxan oo jugtiisa si weyn looga maqlay aagga Laba Garas uu sababay dhimashada in ka badan shan dagaalame iyo dhaawaca tiro kale. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in qaraxu uu haleelay xubno ka tirsan Khawaarijinta oo diyaarinayay,

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay qorsheynayeen weerar ay ku qaadaan fariisimaha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleyda ee howlgallada ka wada Shabeelaha Dhexe. Laakiin, qaraxu wuxuu ku dhacay iyaga oo aan weerarkaas fulin.

Dowladda iyo dadka deegaanka oo iska kaashanaya dagaalka ka dhanka ah khawarijinta ayaa haatan sii xoojinaya howlgallada ka socda HirShabelle, iyadoo hawada ay ka taageerayaan diyaaradaha saaxiibada caalamiga ah.

Gobalka shabellaha Dhexe  Al-Shabaab
Dowladda iyo dadka deegaanka

Dhawaan, dhacdo la mid ah ayaa ka dhacday deegaanka Beera Yabaal ee gobolka Hiiraan, halkaas oo qarax ka dhex dhacay guri ay ku sugnaayeen xubno khawarijinta ah, waxaana halkaas ku dhinteen ilaa lix dagaalame.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale dhowaan fashiliyay weerarro kale oo ay qorsheynayeen Al-Shabaab, iyagoo burburiyay baabuur laga soo buuxiyay qaraxyo oo ay kooxdu u adeegsan rabeen falal argagixiso.

Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa haatan galay xaalad dagaal adag, iyadoo dagaalyahannada Al-Shabaab ay cadaadis xoog leh kala kulmayaan dowladda, maamulka HirShabelle, iyo dadka deegaanka oo isku duuban dagaalka ka dhanka ah kooxda.

Laba Garas waa mid kamid ah deegaannadii ay Al-Shabaab qabsadeen, balse hadda ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada kooxda. Dagaalka ka socda Shabeelaha Dhexe ayaa qeyb ka ah howlgalka ballaaran ee lagu doonayo in looga xoreeyo Khawaarajinta deegaannada ay weli ka joogaan dalka.

Illaa iyo hadda, Al-Shabaab wax hadal ah kama soo saarin qaraxan ka dhacay deegaanka Laba Garas ee Shabeelaha Dhexe.

Al-Shabaab
Al-Shabaab wax hadal ah kama soo saarin qaraxan ka dhacay deegaanka Laba Garas

Waxaa la filayaa in howlgallada socda ay sii xoogaystaan maalmaha soo socda, iyadoo dowladdu ay ku howlan tahay xoreynta deegaannada ay wali ku sugan yihiin kooxda khawaarijiinta..


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.