• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DF Ayaa furimaha Hirshabelle Udirtay ciidamo Ay kaso qaaday Kismaayo?

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
2 years ago
Reading Time: 3 mins read
Hirshabelle
Share

Hirshabelle
Kumaandooska Danab saldhig duleedka Kismaayo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa cutubyo ka tirsan Kumaandooska Danab ka soo qaaday magaalada Kismaayo, si ay u xoojiyaan furimaha dagaalka ee ka furan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamadan ayaa Axaddii laga qaaday Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Kismaayo, iyagoo u socda furimaha hore ee Hirshabelle, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan lagu abaabulay xerada ay ku leeyihiin agagaarka garoonka Kismaayo ka hor inta aysan ka ambabixin. Kumaandooska Danab, oo uu Mareykanka tababaro, ayaa saldhig muhiim ah ku leh duleedka Kismaayo, halkaas oo laga hoggaamiyo howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee Jubbaland.

Saraakiisha Ciidanka Danab ayaa la fahamsan yahay in ay si dhow ula shaqeeyaan Militariga Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo gacan ka siiya weerarrada cirka ee lagu beegsado horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Danab waa ciidan dhulka ah oo si gaar ah loogu carbiyay la dagaalanka Al-Shabaab, waana mid ka mid ah ciidamada ugu diyaarsan ee Soomaaliya ay leedahay ee ka jawaaba xaaladaha degdegga ah.

Dhanka kale, Muqdisho ayaa noqotay xudunta abaabulka ciidanka cusub ee loo dirayo aagagga dagaalka, si loo dardar geliyo gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Hirshabelle.

Hirshabelle

Saraakiisha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in kooxda laga ciribtiro guud ahaan gobolka, iyagoo xusay in ciidamo aad u tiro badan la daabulayo si aan loo hakrin howlgalka dib-u-xoreynta dalka. sida aankasoo xiganay wararka Universal

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), oo Axaddii kula hadlay ciidamada jiidda hore, ayaa ku hanjabay inaysan ogolaan doonin in Al-Shabaab ay gabaad ka dhigtaan dhulka Hirshabelle.

“Dagaalka aan kula jirno waa mid xaq u dirir ah, waxaana ku difaacnaynaa nafteena, maalkayaga iyo sharafkayaga,” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle, isagoo caddeeyay in dagaalku uu sii socon doono illaa laga xoreeyo gobolka.

Alshabaab ayaa shali laga burburiyey buundo ay dhawaan ka dhiseen hirshabeele taas muhiim u ahayd guud ahaan isku socod kooda iyo dhaqdaqaada militiry ee ay kawadaan dalka…


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.