NAIROBI — Madaxweyne William Ruto ayaa maanta hadal kulul ka jeediyay xaaladda amniga dalka Kenya isagoo ballan qaaday inuu qaadi doono tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah qaadi doono si uu dalka u xasiliyo. Hadalka ayaa yimid labo maalmood kadib rabshadihii Saba Sabay oo lagu dilay 31 qof, xoolo aad utiro badana lagu dhacay. Qaarna lagu gubay.
Madaxweynaha ayaa ku hanjabay inuusan ogolayn in uu dalka kenya galo fowdo, isagoo sheegay in nolosha dadka Kenyanka ah iyo hantidooda ay yihiin mudnaanta koowaad ee dowlada. Si kastaba ha ahaatee madax weynaha ayaan ka hadlin dadki dhawan ku dhintay dibad baxayaasha.
Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Kenya ayaa xaqiijiyay in 31 qof ay ku dhinteen dibadbaxayaashii July 7 halka 532 lagu xidhay. Dhimashada ayaa waxaa ka mid ah gabadh 12 jir ah oo ay xabbad si qaldan ugu dhacday iyada oo jogta gurigooda.
Rabshadahan aan dhamadka laheyn ayaa waxa ka dhashay cadaadis siyaasadeed oo sii kordhaya iyo canaan baahsan oo ka dhanka ah hogaanka Ruto.
Dadweynaha ayaa ku eedeynaya inuu ku guuldareystay ballanqaadyadii uu sameeyey xiligii doorashada ee ahaa inuu taageero dadka danyarta ah dalkaas kunool.
Dibadbaxayaasha ayaa ugu yeedhay in Ruto uu xilka ka dago, iyagoo isticmaalaya halku dhegga “WANTAM” oo macnaheedu yahay hal muddo ama one term,
Falcelinta caalamiga ah ayaa sii kordheysa iyadoo safaaradaha maraykanka, Ingiriiska iyo dalalka kale ay cambaareeyeen isticmaalka xoogga ee booliiska. Waxay ku baaqeen in la ixtiraamo xuquuqda dadka ee dibadbax nabadeed.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay Ruto inuu noqday mid ka fog dadka isagoo gacanta ku haya hay’adaha dowladda laakiin aanu haysan taageerada shacabka.