• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Muwaadinin u Dhashay dalka Marooko oo ku xiran xabsiga weyn ee magaalada Garoowe

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Muwaadinin u Dhashay dalka Marooko oo ku xiran xabsiga weyn ee magaalada Garoowe
Share

Wararka24: 7-02-2026:Lix muwaadin oo u dhashay dalka Marooko oo ku xiran xabsiga weyn ee magaalada Garoowe, xarunta maamul goboleedka Puntland, ayaa baaq u diray dowladda dalkooda Marooko, iyagoo sheegay in ay weli ku xiran yihiin si sharci-darro ah, inkastoo ay horey maxkamad uga weysay eedeymo loo jeediyay.

Mid ka mid ah maxaabiista, Maxamed Al-Busadi, ayaa muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ku sheegay in ay muddo laba sano ka hor maxkamad ku weysay eedeymo la xiriiray falal amni dara ah, isla markaana lagu xukumay in dalka laga tarxiilo, balse aan weli la fulin go’aankaas.

Wuxuu sheegay in Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ay booqdeen bishii Janaayo, ayna u sheegeen in galalka dacwadooda loo gudbiyay safaaradda Marooko ee Nairobi.

Sida ay maxaabiistu sheegeen, arrinta dib-u-celintooda ayaa hadda ku xiran soo helidda dukumentiyada safarka iyo tigidhada diyaaradda, kuwaas oo ay sheegayaan in dowladda Marooko oggolaatay kharashkooda. Waxay sidoo kale ka cabanayaan duruufo nololeed oo adag oo ka jira xabsiga, gaar ahaan helitaanka cunto iyo biyo ku filan.

Muuqaalka la baahiyay ayaa dhaliyay falcelin ballaaran oo ka dhex dhalatay bulshada Marooko, iyadoo dad badan ay ku baaqeen in si degdeg ah loo soo celiyo muwaadiniintan. Dhanka kale, waxaa jira dad su’aalo ka keenay sababihii ay Soomaaliya u tageen iyo duruufihii markii hore loo xiray.

Ilaa hadda, maamulka Puntland iyo dowladda Marooko midna si rasmi ah ugama hadlin cabashadan ay soo gudbiyeen maxaabiista ku xiran Garoowe.

Warar xaqiqda ku saleysan oo muhim ah kalasoco WARARKA24


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.