• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Baaritaan ku saabsan wararka sheegaya in 60 basaas shisheeye ay ka baxsadeen Soomaaliya

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
10 months ago
Reading Time: 2 mins read
Baaritaan ku saabsan wararka sheegaya in 60 basaas shisheeye ay ka baxsadeen Soomaaliya
Share

Muqdisho – Wararka24: Waxaa sii kordhay doodda ku saabsan warar baraha bulshada ku faafay oo sheegaya in ilaa 60 basaasiin shisheeye ah ay si degdeg ah uga baxeen gudaha Soomaaliya, kaddib markii la jabsaday nidaamka dal-ku-galka elektarooniga ah (e-Visa).

Baaritaan Wararka24 ay ku sameysay arrintan, oo ay la xiriirtay ilo amni iyo diblomaasiyiin xog-ogaal u ah, ayaa muujinaya in sheegashadaasi aanay heyn wax caddeyn ah, islamarkaana u muuqato war been abuur ah oo si fudud loogu faafiyay internet-ka.

Waxaa la xaqiijiyay in nidaamka e-Visa Soomaaliya uu soo wajahay jab amni oo farsamo, taas oo keeni karta in xogta qaar ka mid ah codsadayaasha ay banaanka u soo baxday.

Dowlado shisheeye ayaa xitaa muwaadiniintooda kula taliyay taxaddar intii dhibaatada farsamo la xallinayo.

Si kastaba, ma jiro ilo dowladeed ama hay’ad amni oo xaqiijisay sheegashada ah in tiro si gaar ah u cayiman oo ah basaasiin shisheeye ay hal mar dalka uga baxeen 24 saac gudahood.

Sarkaal sare oo katirsan hay’ad amni oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay

Xitaa annaga oo hay’ad amni ah ma hayno liis rasmi ah oo lagu tirin karo inta sirdoon shisheeye oo dalka jooga.

Sidaas darteed, waa wax aan macquul aheyn in la sheegto inay 60 basaas hal maalin wadareed uga baxeen dalka.”

Wararka ku saabsan in 60 basaas shisheeye ay ka carareen Soomaaliya waxay u muuqdaan kuwo lagu faafiyay si aan sal lahayn oo qeyb ka noqday buuqa ka dhashay jabsiga nidaamka e-Visa.

Inkastoo arrintaas lafteedu tahay mid muhiim u baahan baaritaan amni, haddana ma jiro caddeyn muujinaysa in sirdoon tiro intaa le’eg uu si degdeg ah dalka uga baxay.

Wararka24 waxaan sii wadi doonaa dabagalka arrintan, wuxuuna la socon doonaa warbixinada rasmiga ah ee kasoo baxa hay’adaha amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.