Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Koonfur Galbeed oo ka digtay adeegsiga ciidanka qaranka ee siyaasadda

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cali Fiqi ayaa si kulul uga hadlay ciidamo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u dirtay magaalada Baraawe, isagoo ku tilmaamay tallaabadaasi mid khatar ku ah nidaamka federaalka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
March 21, 2026, 12:39 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Koonfur Galbeed oo ka digtay adeegsiga ciidanka qaranka ee siyaasadda
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cali Fiqi ayaa si kulul uga hadlay ciidamo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u dirtay magaalada Baraawe, isagoo ku tilmaamay tallaabadaasi mid khatar ku ah nidaamka federaalka.

Cali Fiqi ayaa sheegay in arrintan aysan ahayn dhaqdhaqaaq ciidan oo caadi ah, balse ay si toos ah u saameyneyso xasilloonida siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay keeni karto khilaaf hor leh.

Wuxuu xusay in nidaamka federaalka Soomaaliya loo dhisay si looga hortago isku dhacyo noocan oo kale ah, islamarkaana loo ilaaliyo wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka Koonfur Galbeed ay u arkaan tallaabadan mid halis ku ah jiritaankooda, halkii ay ka ahaan lahayd hoggaan ama taageero.

Wuxuu sidoo kale ka digay in ciidanka qaranka lagu dhex daro arrimo siyaasadeed, isagoo xusay in taasi ay dhaawaceyso kalsoonida shacabka iyo sumcadda ciidamada.

Cali Fiqi ayaa tilmaamay in dadaallo badan oo lagu bixiyay dib u dhiska hay’adaha dowladda iyo ciidamada ay halis gali karaan haddii aan si taxaddar leh loo maareyn xaaladda.

Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay Dowladda Federaalka inay dib uga fiirsato tallaabooyinka noocan oo kale ah, si loo ilaaliyo nidaamka federaalka loogana fogaado qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Kanada oo billowday barnaamij degenaansho eey siinayso kumanaan muhaajiriin

Kanada oo billowday barnaamij degenaansho eey siinayso kumanaan muhaajiriin

6 hours ago
Muqdisho oo markii ugu horreysay martigelisay

Muqdisho oo markii ugu horreysay martigelisay

6 hours ago
Ilhan Cumar oo doonaysa inay dib ugu laabato guddiga arrimaha dibadda ee Koongaraska

Ilhan Cumar oo doonaysa inay dib ugu laabato guddiga arrimaha dibadda ee Koongaraska

7 hours ago
Maxkamada jarmalka oo so tarxiileyso Xidigta jarmalka kadib markii eey booqatay somaliland

Maxkamada jarmalka oo so tarxiileyso Xidigta jarmalka kadib markii eey booqatay somaliland

2 days ago
Finland oo diiday lacag loogu talagalay mashaariic Soomaaliya kadib khilaaf ku saabsan

Finland oo diiday lacag loogu talagalay mashaariic Soomaaliya kadib khilaaf ku saabsan

2 days ago
Madaxa Nvidia oo baaritaan loogu furay xiriir uu la lahaa

Madaxa Nvidia oo baaritaan loogu furay xiriir uu la lahaa

3 days ago
Cali Guudlaawe oo odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay Ugaas Yuusuf

Cali Guudlaawe oo odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay Ugaas Yuusuf

3 days ago
Trump oo sheegay in Israa’iil laga nacay mareykanka

Trump oo sheegay in Israa’iil laga nacay mareykanka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.