Wararka24: 9-02-2026 Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Mucaaradka, dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa si adag uga horyimid muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed uu soo saaray golaha ayaa lagu sheegay in ay weli u hoggaansan yihiin Dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa ee 2012, isla markaana ay u arkaan in muddo-xileedka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku eg yahay 15-ka May 2026, halka Baarlamaanka Federaalka uu ku egyahay 14-ka April 2026.
Goluhu wuxuu ugu baaqay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka waantoobaan tallaabo kasta oo la xiriirta muddo kordhin, isagoo sheegay in arrintaas ay horseedi karto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo halis gelisa xasilloonida dalka.
“Waddada saxda ah ee looga gudbi karo marxaladdan waa ixtiraamka dastuurka iyo in heshiis laga gaaro doorashooyinka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka golaha.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka digay in khilaafka siyaasadeed uu dalka dib ugu celin karo xaalado la mid ah kuwii dhacay sanadkii 2021, markaas oo muran ka dhashay muddo kordhin uu sababay isku dhacyo hubeysan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, golaha ayaa ugu baaqay madaxda dowlad-goboleedyada HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed in ay qabtaan doorashooyinka maamuladooda, maadaama sida ay sheegeen uu dhammaaday muddo-xileedkooda.
Khilaafkan siyaasadeed ayaa kusoo beegmaya kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay dastuur cusub oo ay horay u ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taas oo dhalisay aragtiyo kala duwan oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.


















