• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Farmaajo oo Cambaareeyay Saxiixa Dastuurka Cusub ee Soomaaliya

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Farmaajo oo Cambaareeyay Saxiixa Dastuurka Cusub ee Soomaaliya
Share

Wararka24: 9-02-2026 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku saxiixay dastuurka cusub ee dalka.

War-saxaafadeed uu soo saaray Farmaajo ayaa lagu sheegay in saxiixa dastuurkan uu yahay mid sharci-darro ah oo khatar gelinaya dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa ku dooday in dastuurka la saxiixay uusan haysan heshiis bulsho iyo mid siyaasadeed oo sharciyad siinaya, isagoo xusay in dowlad-goboleedyo, xildhibaanno iyo siyaasiyiin hore ay ka hor yimaadeen habraaca loo maray.

“Mowqifka dowlad goboleedyada ee ku saabsan laalista dastuurka, xildhibaannada qaaddacay fadhiyada iyo mas’uuliyiin hore oo diiday habraaca loo maray waxay muujinayaan inuusan jirin heshiis bulsho iyo mid siyaasadeed oo sharciyad siinaya tallaabadan,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka waantoobo saxiixa dastuurka, isla markaana uu dalka ku hoggaamiyo waddo wada-tashi iyo doorasho loo dhan yahay oo ku dhacda waqtigeeda.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay nuqulka dastuurka cusub, isagoo sheegay in tallaabadan ay soo afjartay marxaladdii ku-meel-gaarka ahayd ee muddo dheer dalka uu ku shaqeynayay.

Dastuurkan cusub ayaa sidoo kale dhigaya in muddada xil-heynta Madaxweynaha iyo Baarlamaanka laga dhigo shan sano, arrintaas oo dhalisay muran siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.