• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, January 23, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Dib u Dhigista Sii deynta Maxaabista ee Xamaas ayaa kiciyay Muran iyo Mudaharad

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
12 months ago
Reading Time: 3 mins read
dib u dhigista

Shacabka oo diidan dib u dhigista sii deynta maxaabiista

Share

Wararka24, Dib u dhigista Xamaas ee sii deynta maxaabiista ayaa mowjado weyn ka kicisay gudaha Israel, iyadoo shacabka dib u soo celiyay cadaadiskii ay xukuumadda ku saarayeen inay heshiis wax ku ool ah la gasho Xamaas.

dib u dhigista
Shacabka oo diidan dib u dhigista sii deynta maxaabiista

Ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay hakineyso sii deynta maxaabiista, sababo ku aaddan in Israel ay ku xadgudubtay heshiiska xabad joojinta, waxaa xalay gudaha Israel ka bilowday mudaaharaadyo ay shacabka ku dhalleeceynayaan dowladooda.

Shacabka Israel ayaa maanta dibadbaxyadooda ka sii wada Magaalada Jerusalem (Qudus), iyagoo xukuumadda uu hoggaamiyo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ka dalbanaya inaanay wax xadgudub ah ku samayn heshiiska xabad joojinta iyo maxaabiis is dhaafsiga.

dib u dhigista
Shacabka oo diidan dib u dhigista sii deynta maxaabiista

Dibadbaxayaal aan badneyn ayaa xiray waddada isku xirto Magaalooyinka Tel Aviv iyo Jerusalem, si dowladda ay u taageerto heshiiska xabad joojinta, iyadoo aanu jirin wax carqaladeyn ah.

Dib u dhigista Xamaas ee sii deynta maxaabiista ayaa sabab u noqotay in dibadbaxayaasha ay si kulul Dowladda Netanyahu ugu eedeeyaan inaysan dhab ka ahayn xaqiijinta iyo hirgelinta heshiiska.

Dadweyne fara-badan ayaa isugu soo baxay afaafka hore Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu ee galbeedka Jerusalem, iyagoo dalbanaya in maxbuus kasta hoygiisa lagu soo celiyo.

Dibadbaxayaasha ayaa garaacaya durbaano, waxayna wataan sawirrada maxaabiista qaarkood iyo boorar ay ku qoran yihiin ‘hala soo celiyo’. Qaarkood ayaa gacmahooda soo marsaday rinji cas, si ay ugu muujiyaan maxaabiista dhimatay iyadoo la soo badbaadin karay iyo in kuwa weli nool ay noloshooda ku xiran tahay dowladda hadda jirta.

Shacabka ayaa isugu soo baxay bannaanka Xafiiska Raysal Wasaaraha, halkaas oo ay ku shirsan yihiin Golaha Wasiirada ee Amniga Israel. Warbaahinta gudaha ayaa sheegeysa in goluhu uu ka arrinsanayo jawaabta ay tahay in laga bixiyo dib u dhigista Xamaas ee sii deynta maxaabiista.

Ka hor kulanka, Raysal Wasaare Netanyahu ayaa hay’adaha ammaanka kala hadlay qiimeyntooda ku saabsan arrintan. Qoysaska, ehelada iyo saaxiibada maxaabiista ayaa Netanyahu iyo kooxdiisa ku eedeeyay inay isku dayayaan in gebi ahaanba heshiiska la wiiqo, si meesha looga saaro xabad joojinta iyo isweydaarsiga maxaabiista labada dhinac.

Qoysaska ayaa xabad joojinta u arka rajada keliya ee ay ka qabaan inay dib ula midoobaan xubnaha ka maqan, waxa ayna riixayaan in Xamaas lala galo heshiis horseedaya in maxaabiis badan la soo sii daayo.

Netanyahu ayaa dhammaadkii isbuuca diray farriin uu ku sheegayo xaqiiqadii inaanan loo baahneyn in laga gudbo marxaladda koowaad ee heshiiska.

Xamaas ayaa horey ugu eedeysay Netanyahu in uu abuurayo caqabad ka dhan ah saddexdii weji ee lagu heshiiyay, si loogu soo afjaro colaadda Gaza.

Dagaalka Gaza ayaa gudaha Israel ka abuuray kala qaybsanaan aan horey loo arag, tan iyo aasaaskii Dowladnimada Israel.

  • Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

    Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

    ShareWararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta uusan micnaheedu ahayn in la jaray xiriirka guud ee labada dal. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daud Aweys Jaamac, oo ka hadlayay madasha toddobaadlaha ah ee Warbaahinta Qaranka ee Muqdisho, ayaa difaacay tallaabada dowladda, isaga

    Sii Aqri


    January 23, 2026
  • Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

    Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

    ShareWararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare oo ka socday Mareykanka, kuwaas oo wadaay qorshe uu Mareykanku diyaariyay oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine. Xog laheli aya lagu sheegi lataliyaha Kremlin-ka Yuri Ushakov inu ku tilmaamay kulanka mid, daacad ah, hase

    Sii Aqri


    January 23, 2026
  • Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

    Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

    ShareHaba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan, ayuu yiri Robert Wilkie, oo ahaa xoghayihii hore ee maamulka Trump. “Raja wanagsan kama qaba arrintan, waxaan u maleynayaa in Putin uu ku jiro xaalad dhimasho ah,” ayuu u sheegay barnaamijka maanta ee BBC Radio 4. “putin

    Sii Aqri


    January 23, 2026

Share
Tags: wararka caalamkawararka mantaxamaas iyo israel
Previous Post

Gurmadka Ciidamada oo Ku Qulqulaya Dhinaca Furimaha Gobolka Hiiraan

Next Post

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir waa qoraa iyo tafatire sare oo ka tirsan Wararka24.com, isaga oo door muhiim ah ku leh hubinta iyo hagaajinta tayada wararka ka soo baxa wararka24.

Related Posts

Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee...

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare...

Wilkie

Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Haba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan,...

Fiqi

Fiqi: marnaba kama tanaasulidoona ilaalinta madaxbannaanida dalka somaliyeed

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin...

Guban

DF Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhismaha Maamulka Cusub Ee Guban State

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista maamulka cusub ee Guban State, kaasi oo xildhibaanno...

Xasan Sheekh

UK Oo Farriin U Dirtay Golaha Mustaqbalka somaliyeed Kadib Casuumaadda Xasan Sheekh

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhoweysay gogosha wadatashi qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,...

Load More
Next Post
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

Madaxweynaha Masar

Madaxweynaha Masar oo Ku Baaqay in aan Gaza laga Rarin Falastiiniyiinta, iyadoo iyago googa in dib loodhiso Gaza

Helista muwaadannimada British-ka

Waxa manta La adkeeyay Helista Muwaadannimada British-ka

Recommended

Gobolka Shabellaha Dhexe

Gobolka Shabellaha Dhexe, Al Shabaab oo La Wareegtay Degmada Ceelbaraf..

11 months ago
Mareykanka

Mareykanka oo Cadaadis Cusub Saaray Netanyahu + SABABTA

8 months ago
Soomaaliya

DF Soomaaliya oo Indhaha Ka Qarsaneysa Qorsheyaal Khatar ah oo Imaaraadku Ka Wado Gudaha Dalka

8 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

8 months ago
Shariif Sheekh Axmed

Shariif Sheekh Axmed oo fariin udiray shacabka soomaliyeed Kadib weerarki al-shabaab ee baledweyne?

11 months ago
Soomaaliya

DW: Soomaaliya Oo Ka Fikiraysa Tallaabo Militari Oo Ka Dhan Ah Gooni-goosadka?

2 weeks ago
Sanbaloolshe

Agaasimaha NISA Sanbaloolshe oo Muqdisho ku Soo Laabtay iyo Kulan Muhiim ah, Faahfahin?

8 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.