Wararka24: Dowladda Britain ayaa Arbacadan sheegtay inay adkeynayso sharciyada socdaalka, si loo xaddido helista muwaadannimada British-ka ee muhaajiriinta sharci-darro ah. Tallaabadaan ayaa loogu talagalay inay ka dhigto mid aan suurtagal ahayn in muhaajiriinta ku soo gala doonyaha yaryar ay mustaqbalka helaan muwaadannimada Britain.
Sida ku xusan tilmaamaha cusub, muhaajiriinta ku soo gala badda ama kuwa isku qariya dhabarka gaadiidka waxaa inta badan loo diidi doonaa helista muwaadannimada British-ka.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Home Office) ayaa sheegay: “Tilmaamahan waxay sii xoojinayaan tallaabooyinka caddeynaya in qof kasta oo si sharci-darro ah ku soo gala UK — oo ay ku jiraan kuwa doonyaha yaryar — uu la kulmayo in codsiga muwaadannimada Britain laga diido.”
Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Keir Starmer ee xisbiga Labour ayaa cadaadis weyn ku hayso arrimaha socdaalka, gaar ahaan ka dib markii xisbiga Reform UK, oo uu hoggaamiyo Nigel Farage, uu guul weyn ka soo hooyay doorashadii guud ee u dambeysay. Xisbiga Reform UK, oo ka soo horjeeda socdaalka, ayaa helay qiyaastii afar milyan oo cod, taasoo ahayd guul aan hore loo arag xisbi midigta fog.

Hase yeeshee, isbeddelkan sharciyada Helista Muwaadannimada British-ka ayaa waxa dhaleeceeyay qaar ka mid ah xildhibaannada xisbiga Labour. Xildhibaan Stella Creasy ayaa ku qortay X (Twitter):
Haddii aan qof siino maqaam qaxooti, sax ma aha inaan u diidno waddada uu ku noqon lahaa muwaadin British ah.” Waxay intaa ku dartay in siyaasaddan ay ka dhigeyso waligood kuwa heer labaad ah..
Iran Oo Weerartay Saldhigyo Maraykanka Leeyahay iyo Xiisadda Gobolka Oo Sii Kacday

Wararka Ugu Aqrintabadan Iran Oo Weerartay Saldhigyo Maraykanka Leeyahay iyo Xiisadda Gobolka Oo Sii Kacday 8 hours ago Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan 8 hours ago Load More ShareWararka24: Iran ayaa sheegtay inay weerarro ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin gobolka, kadib duqaymo uu Maraykanku ku beegsaday xarumo…
Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda

Wararka Ugu Aqrintabadan Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda 8 hours ago Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan 8 hours ago Load More ShareWararka24: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag uga jawaabay hadallo uu dhawaan jeediyay agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda…
Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan

Wararka Ugu Aqrintabadan Iran Oo Weerartay Saldhigyo Maraykanka Leeyahay iyo Xiisadda Gobolka Oo Sii Kacday 8 hours ago Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda 8 hours ago Load More ShareWararka24: Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa si adag u cambaareeyay dilal lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah oo…





















