Wararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maalintii labaad ku sugan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE), halkaas oo uu ka bilaabay kulamo muhiim ah. Madaxweynuhu ayaa la kulmay Sheikh Mohammed Bin Rashi Al-Maktoum, oo ah madaxweynaha ku-xigeenka iyo ra’iisul wasaaraha UAE, iyo sidoo kale Amiirka Dubai.

Cirro ayaa sidoo kale la kulmay Sheikh Mansour Bin Zayed Bin Sultan Al-Nahyan, oo ah wasiirka arrimaha madaxtooyada ee UAE. Madaxweynaha Somaliland oo kulamo ka wado Dubai ayaa madaxda UAE uga wada hadlay arrimo door ah oo muhiimad iyo mudnaan u leh labada dhinac, gaar ahaan iskaashiga dhaqaalaha, maal-gashiga, iyo xasiloonida mandaqadda.
Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin:
- Taageerada dhaqaalaha ee Somaliland.
- Iskaashiga amniga, gaar ahaan xasiloonida marinka biyaha iyo badda Cas.
- Fursadaha maalgashiga ee Somaliland.
“Madaxweynuhu waxa uu dowladda Imaaraadka Carabta kala hadley inay Somaliland ka taageerto xagga kaabayaasha dhaqaalaha iyo in labada dhinac ay iska kaashadaan xagga arrimaha amniga,” ayuu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland oo kulamo ka wado Dubai ayaa sidoo kale ugu mahad-naqay dowladda UAE marti-qaadka rasmiga ah iyo maamuuska sare ee loo fidiyey.
Cirro ayaa ka qeyb-galay shirka caalamiga ah ee kulanka dawladdaha caalamka, halkaas oo uu ku iibgeynayo ictiraaf raadinta Somaliland iyo fursadaha maalgashiga ee dalka…
Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed

Wararka Ugu Aqrintabadan Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed 14 hours ago Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba 2 days ago Load More ShareWararka24: Shiinaha ayaa bartamaha bishan Agoosto u diri doona maraakiib dagaal oo cusub Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan ilaalinta maraakiibta ganacsiga…
Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba

Wararka Ugu Aqrintabadan Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed 14 hours ago Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba 2 days ago Load More ShareWararka24: Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ka baxay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, iyadoo mas’uuliyadda amniga saldhigga degmada…
Doorashada guddoomiyaha golaha shacabka oo berri ka dhaceysa Muqdisho

Wararka Ugu Aqrintabadan Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed 14 hours ago Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba 2 days ago Load More ShareWararka24: Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay berri ka dhacdo magaalada Muqdisho, iyadoo maanta la soo gabagabeeyay diyaar-garowga goobta iyo…




















