Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Qorshaha Gargaarka Soomaaliya oo Hoos u Dhacay Sannadka 2026.

28-01-2026:Qaramada Midoobay ayaa shaacisay Qorshaha Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya ee sannadka 2026, kaas oo ku kacaya $852 milyan, islamarkaana lagu taageerayo 2.4 milyan oo qof oo ka mid ah dadka ugu nugul dalka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 28, 2026, 10:15 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 28-01-2026:Qaramada Midoobay ayaa shaacisay Qorshaha Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya ee sannadka 2026, kaas oo ku kacaya $852 milyan, islamarkaana lagu taageerayo 2.4 milyan oo qof oo ka mid ah dadka ugu nugul dalka.

Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stéphane Dujarric, ayaa sheegay in miisaaniyadda qorshahan ay hoos u dhacday ku dhowaad 40% marka loo eego lacagtii la codsaday sannadkii hore, isagoo carrabka ku adkeeyay in hoos u dhacaasi uusan ka iman baahiyaha dadka oo yaraaday, balse uu salka ku hayo dhaqaale xumo iyo kheyraad kooban oo haysta hay’adaha gargaarka.

Dujarric ayaa sheegay in hoos u dhaca maalgelinta uu sababi doono in adeegyo badan oo muhiim ah la yareeyo, isla markaana in ka yar kala bar dadka u baahan gargaar ay heli doonaan caawimaad bani’aadannimo sannadkan.

Afhayeenka QM ayaa ka digay in haddii aan si degdeg ah loo helin maalgelin dheeraad ah, ay sii xumaan doonaan xaaladaha abaarta daba-dheeraatay, barakaca, cudurrada faafa, nolol-beelka iyo cunno-yarida, kuwaas oo durba saameyn xooggan ku leh qeybo badan oo dalka ah.

Wuxuu xusay in sannadkii hore Qaramada Midoobay ay Soomaaliya u codsatay gargaar dhan $1.4 bilyan, balse la helay oo keliya $397 milyan, taasoo u dhiganta 27%, arrintaas oo keentay in hay’adaha gargaarku ay yareeyaan ama gebi ahaanba joojiyaan adeegyo naf-badbaadin ah.

Qorshahan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya ay weli tahay mid adag, iyadoo malaayiin qof ay wajahayaan cunto-yari, biyo la’aan iyo daryeel caafimaad oo xaddidan..


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

12 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

13 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.