• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Xuutiyiinta oo Sacuudiga ku eedeeyay inuu u adeegayo danaha Mareykanka iyo Israa’iil

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xuutiyiinta oo Sacuudiga ku eedeeyay inuu u adeegayo danaha Mareykanka iyo Israa’iil
Share

Wararka24: Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen, Cabdulmalik Al-Xuuti, ayaa khudbad uu ka jeediyay telefishinka ku eedeeyay Mareykanka iyo Israa’iil inay yihiin kuwa ugu waaweyn ee hurinaya colaadaha iyo xasillooni darrada ka jirta caalamka. Wuxuu sidoo kale Sacuudi Carabiya ku eedeeyay inay u adeegto danaha Washington iyo Tel Aviv.

Al-Xuuti ayaa sheegay in Mareykanka, Israa’iil iyo xulafadoodu ay ka faa’iideystaan colaadaha iyo kheyraadka dalal kale, isagoo ku dooday in dagaallada ka socda Bariga Dhexe ay salka ku hayaan qorshayaal lagu ballaarinayo saameynta Israa’iil ee gobolka.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Mareykanka iyo Israa’iil inaysan ixtiraamin heshiisyada caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay, isla markaana ay mas’uul ka yihiin burburka iyo dhibaatooyinka ka jira dalal badan.

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay la safan tahay Mareykanka, Israa’iil iyo Britain, isla markaana ay caqabad ku tahay in dalalka Muslimiintu yeeshaan mowqif mideysan oo ku aaddan arrinta Falastiin.

Al-Xuuti ayaa sidoo kale ku andacooday in dagaalka Sacuudi Carabiya ay ka waddo Yemen uu socday sannado badan, isagoo ku tilmaamay mid aan sharci ahayn.

Wuxuu sheegay in shacabka Falastiin ay si weyn u saameeyeen siyaasadaha Riyadh, isla markaana Sacuudigu uu hor istaagay dadaalladii lagu mideyn lahaa dalalka Muslimiinta si cadaadis iyo cunaqabateyn loogu saaro Israa’iil.

Hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Sacuudi Carabiya, kadib maalmo ay labada dhinac isweydaarsanayeen weerarro iyo hadallo kulul.


Share

Recommended

Sacuudiga oo xayiraado ku billaabay lacagihii loo diri jiray Imaaraadka Carabta

Sacuudiga oo xayiraado ku billaabay lacagihii loo diri jiray Imaaraadka Carabta

2 months ago
Duqeyn ka dhacday  Jubbada Hoose oo sababtay dhimashada 3qoys oo ka koobnaa 12 qof

Duqeyn ka dhacday Jubbada Hoose oo sababtay dhimashada 3qoys oo ka koobnaa 12 qof

3 months ago
Faylasha Jeffrey Epstein oo laga ogaaday hawlgallo iyo xiriirro ka jiray Geeska Afrika

Faylasha Jeffrey Epstein oo laga ogaaday hawlgallo iyo xiriirro ka jiray Geeska Afrika

7 months ago
Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

3 months ago
Al-Shabaab oo digniin kasoo saaray dhulka la isku heysto ee Muqdisho

Al-Shabaab oo digniin kasoo saaray dhulka la isku heysto ee Muqdisho

12 months ago
Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Aljeeriya Kadib Dab Ka Kacay Xarun Agoomaha Lagu Daryeelo

Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Aljeeriya Kadib Dab Ka Kacay Xarun Agoomaha Lagu Daryeelo

2 months ago
Faahfaahinta Dilka manta hargeysa Somaliland

Wararka24: Booliska Somaliland oo soo qabtay eedeysane loo haysto dil ka dhacay Manta Hargeysa? +Faah faahin dherad ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.