Wararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha Somaliland, isagoo sheegay in Muqdisho ay ka baxday heshiisyo laga gaaray wada-hadalladii labada dhinac.
Madaxweyne Cirro oo Nairobi kula kulmay wakiillo ka tirsan beesha caalamka ayaa sheegay in nabaddu tahay mudnaanta koowaad ee xukuumaddiisa, isla markaana Somaliland ay diyaar u tahay in colaaddii Laascaanood lagu wajaho wada-hadal, dib-u-heshiisiin iyo is-afgarad.
Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay door ku leedahay xaaladda amni ee Somaliland, balse uu ku eedeeyay Muqdisho inay xoogga saarayso faragelinta arrimaha gudaha Somaliland, halkii ay wax uga qaban lahayd caqabadaha amni iyo bini’aadantinimo ee ka jira Soomaaliya.
Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay marar badan diyaar u noqotay wada-hadallo ay la gasho dowladda Soomaaliya, balse uu ku dooday in heshiisyo muhiim ah oo labada dhinac gaareen aan la fulin. Wuxuu tusaale u soo qaatay arrinta maamulka hawada Soomaaliya, isagoo sheegay inay muujinayso in aan la ilaalin qaar ka mid ah heshiisyadii hore.
Madaxweynaha Somaliland ayaa wakiillada beesha caalamka ugu baaqay inay taageeraan dib u bilaabidda wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, balse sidoo kale xoogga saaraan fulinta heshiisyadii hore loo gaaray. Wuxuu xusay in wada-hadal waara uu u baahan yahay is-ixtiraam iyo ilaalinta heshiisyada la kala saxiixday.
Wada-hadallada Somaliland iyo dowladda Soomaaliya ayaa socday in ka badan toban sano, iyadoo kulamo kala duwan lagu qabtay dalal ay ka mid yihiin Turkiga iyo Jabuuti. Si kastaba, labada dhinac weli kama gaarin heshiis kama dambeys ah oo lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya.


















