Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Somaliland iyo AFRICOM oo jarmalka ku yeeshay wada-hadallo ku saabsan iskaashiga difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku tagay xarunta Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ee magaalada Stuttgart, dalka Jarmalka, halkaas oo ay kula yeesheen mas'uuliyiinta AFRICOM wada-hadallo la xiriira iskaashiga difaaca,…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 6, 2026, 2:41 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Somaliland iyo AFRICOM oo jarmalka ku yeeshay wada-hadallo ku saabsan iskaashiga difaaca
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku tagay xarunta Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ee magaalada Stuttgart, dalka Jarmalka, halkaas oo ay kula yeesheen mas’uuliyiinta AFRICOM wada-hadallo la xiriira iskaashiga difaaca, amniga badda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, wafdiga waxaa kamid ahaa Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, Admiral Axmed Hurre Hariye, La-taliyaha Sare Faarax Axmed Xabuush iyo Cabdicasiis Axmed.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo Mareykanka, iyadoo laga wada hadlay sidii loo ballaarin lahaa wada-shaqeynta dhinaca difaaca iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay amniga marin-biyoodka Baab al-Mandab iyo Badda Cas, kuwaas oo ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee ganacsiga caalamiga ah. Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga la xiriira sugidda amniga badaha iyo la tacaalidda khataraha amni ee gobolka.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa xusay in kulanka lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, iyadoo la isla eegay kor u qaadista awoodaha ciidamada iyo hay’adaha amniga si ay uga jawaabaan caqabadaha amni ee ka jira gobolka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa sheegtay in kulanka lagu soo gabagabeeyay is-afgarad ku saabsan sii wadidda wada-shaqeynta dhinacyada difaaca, tababarrada iyo horumarinta awoodaha hay’adaha amniga. Waxay sidoo kale tilmaantay in wada-hadalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga amniga iyo sugidda amniga marin-biyoodka gobolka.

Ilaa iyo hadda, AFRICOM kama aysan soo saarin war rasmi ah oo faahfaahinaya natiijada kulanka ama qodobbadii sida rasmiga ah looga heshiiyay.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ku xigeenka Taliyaha Booliska oo ka digay khatarta bixitaanka ciidamada Uganda

Ku xigeenka Taliyaha Booliska oo ka digay khatarta bixitaanka ciidamada Uganda

22 hours ago
Boosaaso oo loo adeegsaday marin calooshood u shaqeystayaal Suudaan

Boosaaso oo loo adeegsaday marin calooshood u shaqeystayaal Suudaan

23 hours ago
Ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogga Dalka oo lagu soo bandhigay Galmudug

Ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogga Dalka oo lagu soo bandhigay Galmudug

23 hours ago
Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne

Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne

2 days ago
Israa’iil oo ka jawaabtay hadalkii JD Vance ee ku saabsanaa xiriirka Mareykanka

Israa’iil oo ka jawaabtay hadalkii JD Vance ee ku saabsanaa xiriirka Mareykanka

2 days ago
Xasan Sheekh: Khilaafkeenna siyaasadeed shisheeye lama dhex geli karo

Xasan Sheekh: Khilaafkeenna siyaasadeed shisheeye lama dhex geli karo

2 days ago
Xiisadda Suudaan iyo Itoobiya oo sii xoogeysatay kadib tallaabooyin aargoosi ah

Xiisadda Suudaan iyo Itoobiya oo sii xoogeysatay kadib tallaabooyin aargoosi ah

2 days ago
Soomaaliya oo ka digtay in dagaallada Itoobiya….

Soomaaliya oo ka digtay in dagaallada Itoobiya….

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.