• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Golaha Mustaqbalka oo beeniyay inay dalbadeen in soomaaliya dib loogu celiyo ku-meel-gaar

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Golaha Mustaqbalka oo beeniyay inay dalbadeen in soomaaliya dib loogu celiyo ku-meel-gaar
Share

Wararka24: Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa beeniyay warar sheegayay inay beesha caalamka ka codsadeen in Soomaaliya dib loogu celiyo marxalad ku-meel-gaar ah. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in warqaddii ay u direen beesha caalamka ay ahayd soo jeedin siyaasadeed oo lagu maareynayo xaaladda ka dhalatay muranka doorashooyinka iyo dhammaadka muddo-xileedka dowladda, balse aysan ahayn codsi lagu soo celinayo nidaamka ku-meel-gaarka.‎‎

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in soo jeedintoodu ahayd in la dhiso gole ku-meel-gaar ah oo maamula arrimaha doorashada iyo marxaladda kala-guurka, haddii aan la helin xukuumad xil-gaarsiin ah. Wuxuu xusay in ujeeddada ugu weyn ee farriintooda ay ahayd in bulshada caalamka loo muujiyo in caqabadaha Soomaaliya ay yihiin kuwo siyaasadeed oo u baahan xal siyaasadeed.

‎‎“Farriintayadu waxay ahayd in dhibaatada Soomaaliya ay tahay mid siyaasadeed, xalkeeduna uu yahay siyaasad, ee aan lagu xallin karin oo keliya ciidan iyo dhaqaale,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.‎‎

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Dastuurka Ku-meel-gaarka ah uu dhigayo in marka uu dhammaado muddo-xileedka dowladda ay xukuumaddu isu beddesho xukuumad xil-gaarsiin ah. Wuxuu ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ka gaabisay qaadashada doorkaasi, taas oo uu sheegay inay sii adkaysay muranka siyaasadeed.‎‎

Sida uu sheegay, golaha ay soo jeediyeen wuxuu qaban lahaa shaqooyinka laga filayo xukuumad xil-gaarsiin ah, sida kormeerka doorashooyinka, fududeynta heshiisyada siyaasadeed iyo hubinta dhexdhexaadnimada hay’adaha amniga inta lagu jiro geeddi-socodka doorashada.‎‎

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay in sii shaqeynta dowladda kaddib dhammaadka muddo-xileedkeeda ay saameyn ku yeelan karto sharciyadda hay’adaha dowladda, isagoo xusay in beesha caalamku muhiimad gaar ah siiso jiritaanka hay’ado leh sharciyad buuxda marka ay timaaddo iskaashiga siyaasadeed, amniga iyo dhaqaalaha.‎‎

Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda inay muujiyaan masuuliyad siyaasadeed, kana fogaadaan waxa uu ku tilmaamay “siyaasadda qamaarka”, isagoo adkeeyay in Soomaaliya ay u baahan tahay wada-hadal, is-afgarad iyo xal siyaasadeed oo lagu xalliyo ismariwaaga ka taagan arrimaha doorashooyinka.


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.