• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wasaaradda Awqaafta oo shaacisay jadwalka iyo shuruudaha cusub ee Xajka 1448H/2027

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Wasaaradda Awqaafta oo shaacisay jadwalka iyo shuruudaha cusub ee Xajka 1448H/2027
Share

Wararka24: Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku shaacisay jadwalka iyo shuruudaha lagu maamulayo howlaha Xajka ee sanadka 1448H/2027. Wasaaraddu waxay ugu baaqday shirkadaha adeegga Xajka iyo xujeyda Soomaaliyeed inay si buuxda ugu hoggaansamaan nidaamka cusub ee loo dejiyay qabanqaabada Xajka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in qorshahan lagu diyaariyay kaddib markii Dowladda Sacuudiga ay soo saartay jadwalka rasmiga ah ee howlaha Xajka, si loo dardargeliyo diyaarinta adeegyada loo fidinayo xujeyda Soomaaliyeed loona hubiyo in dhammaan howlaha ay ku socdaan waqtigooda.

Sida ku cad war-saxaafadeedka, muwaadiniinta doonaya inay gutaan waajibaadka Xajka waxaa lagu amray inay si degdeg ah isu diiwaangeliyaan, isla markaana baasaboorkooda iyo lacag hormaris ah oo dhan 2,000 oo doollar ku wareejiyaan shirkadaha adeegga Xajka ee ay Wasaaraddu siisay ruqsadda rasmiga ah.

Wasaaraddu waxay sidoo kale fartay shirkadaha adeegga Xajka inay bixiyaan adeegyo tayo leh oo ay ka mid yihiin gaadiid, hoy, cunto iyo daryeel caafimaad. Waxaa sidoo kale lagu amray inay la galaan xujeyda heshiisyo cad oo qeexaya xuquuqda iyo waajibaadka labada dhinac.

Dhanka kale, Wasaaraddu waxay sheegtay in bixinta adeegyada Xajka lagu maamuli doono nidaam elektaroonig ah (System), iyadoo shirkadaha laga doonayo inay xogta dhammaan xujeyda ku diiwaangeliyaan nidaamkaas si loo fududeeyo maamulka iyo dabagalka howlaha Xajka.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa uga digtay shacabka inay la macaamilaan shaqsiyaad ama shirkado aan haysan ruqsad rasmi ah. Waxay sidoo kale sheegtay in qiimaha rasmiga ah ee adeegyada Xajka la shaacin doono marka la soo gabagabeeyo daraasadda qiimeynta adeegyada Xajka ee sanadka 1448H/2027


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.