Wararka24: Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka ka dhacay duleedka waqooyi-bari ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Daraawiishta Puntland iyo ciidamada PSF ee taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dagaalka ayaa billowday aroortii hore, waxaana la sheegay inuu socday saacado badan, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hub kala duwan, oo ay ku jiraan madaafiic. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in qaar ka mid ah madaafiicda ay ku dhaceen xaafado ay dad rayid ahi deggan yihiin, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadiisu ay la wareegeen xerada ay ku sugnaayeen ciidamada PSF ee bariga Gaalkacyo, kaddib howlgal militari oo ay halkaas ka fuliyeen. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya gaadiid dagaal iyo hub ku yaalla gudaha xerada, kuwaas oo Puntland ay sheegtay inay ka tageen ciidamada PSF.
Warbaahinta ka howlgasha Puntland ayaa sidoo kale baahisay in qaar ka mid ah ciidamada PSF ay isku soo dhiibeen intii uu socday dagaalka. Hase yeeshee, Wararka24 si madax-bannaan uma xaqiijin karto sheegashadaas, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama ciidamada PSF oo ku saabsan xaaladda dagaalka.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sare u kacday xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland. Puntland ayaa hore ugu eedeysay dowladda federaalka inay hub ka dejisay koonfurta Gaalkacyo, iyadoo ku andacootay in hubkaasi loogu talagalay in lagu abuuro xasillooni darro deegaannadeeda. Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan jawaabin eedeyntaas.
Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalku sii fido. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo faahfaahinaya khasaaraha guud ee dagaalka ama xaaladda amni ee magaalada.


















