Wararka24: Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu dagaal ka qarxay bariga magaalada Gaalkacyo, kaas oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo ciidamada PSF ee taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah, dagaalka ayaa billowday kaddib markii ciidamo ka tirsan Puntland ay weerareen fariisimo ay ciidamada PSF ku leeyihiin bariga magaalada. Labada dhinac ayaa la sheegay inay isku adeegsadeen hub culus, iyadoo rasaas iyo madaafiic laga maqlayay qeybo ka tirsan magaalada.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in qaar ka mid ah madaafiicda ay ku dhaceen xaafado ay dad rayid ahi deggan yihiin, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed ee ka dhashay dagaalka.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaar ka mid ah shacabka ay bilaabeen inay ka barakacaan deegaannada uu dagaalku saameeyay, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalku ku fido xaafado kale haddii aan xaaladda si degdeg ah loo dejin.
Wararka kale ayaa sheegaya in labada dhinac ay helayaan gurmadyo ciidan, taas oo sii kordhinaysa xiisadda ka taagan magaalada. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Puntland oo faahfaahin ka bixinaya dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sare u kacday xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, gaar ahaan kaddib markii Puntland ay ku eedeysay dowladda federaalka inay hub ka dejisay koonfurta Gaalkacyo, iyadoo sheegtay in hubkaasi loogu talagalay in lagu abuuro xasillooni darro deegaannadeeda. Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin eedeyntaasi.
Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa weli ah mid kacsan, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan warar dheeraad ah oo ku saabsan dagaalka iyo saameynta uu ku yeeshay shacabka ku nool magaalada.


















