• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, September 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaaliya oo laba tartame u dirtay tartanka caalamiga ah ee Qur’aanka Sacuudiga

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya oo laba tartame u dirtay tartanka caalamiga ah ee Qur’aanka Sacuudiga
Share

Wararka24: Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sagootisay laba arday oo dalka ku matalaya Tartanka Caalamiga ah ee Qur’aanka Kariimka, kaas oo lagu qabanayo Boqortooyada Sacuudiga.

Xafladda sagootinta ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdinaafac Axmed Cabdullaahi, kaas oo tartamayaasha kula dardaarmay inay si sharaf leh u matalaan Soomaaliya, isla markaana muujiyaan akhlaaqda iyo qiyamka Qur’aanka Kariimka inta uu tartanku socdo.

Labada tartame ayaa kala ah Maxamed Nuur Maxamed Ibraahim, oo ka qeybgalaya tartanka xifdinta 30-ka juz ee Qur’aanka Kariimka, iyo Muna Cabdiraxmaan Maxamed Sabriye, oo ku tartamaysa xifdinta 15-ka juz.

Wasaaraddu waxay sheegtay in labada arday ay u soo baxeen tartanka caalamiga ah kadib markii ay kaalmaha ugu sarreeya ka galeen tartankii qaran ee Qur’aanka Kariimka ee ay Wasaaradda Awqaaftu qabatay bishii Ramadaan.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa sheegay in ka qeybgalka Soomaaliya ee tartankan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo barashada Qur’aanka Kariimka, tayeynta macallimiinta iyo dhiirrigelinta dhalinyarada ku xeel dheer xifdinta iyo tajwiidka.

Sanadihii u dambeeyay, tartamayaasha Soomaaliyeed ayaa ka qeybgalay tartamo Qur’aan oo heer gobol iyo caalami ah, iyagoo helay kaalmooyin iyo guulo kala duwan. Wasaaraddu waxay sheegtay in ka qeybgalka tartamadaasi uu gacan ka geysanayo kor u qaadista sumcadda Soomaaliya ee dhinaca barashada iyo xifdinta Qur’aanka Kariimka.


Share

Recommended

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

6 months ago
Xawaadle

Daawo Beesha Xawaadle oo uhanjabtay DF Hadi xilka NISA laga qaado Sanbaloolshe! + faahfaahin?

1 year ago
Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

1 year ago
DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

4 months ago
Arday

DAAWO: Arday kaalinta koowaad ka galay imtixanki dowlada oo Lagu Dilay Muqdisho

1 year ago
Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

4 weeks ago
Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.