• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Puntland oo Galmudug ku eedeysay martigelinta ciidamo ay sheegtay inay halis ku yihiin ammaankeeda

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Puntland oo Galmudug ku eedeysay martigelinta ciidamo ay sheegtay inay halis ku yihiin ammaankeeda
Share

Wararka24: Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Dowlad-goboleedka Galmudug inuu dowladda Federaalka Soomaaliya kala shaqeynayo joogitaanka maleeshiyaad iyo saanad ciidan oo, sida ay sheegtay, loo adeegsanayo in lagu waxyeelleeyo amniga iyo shacabka Puntland.‎‎

War-saxaafadeed ay soo saartay Puntland ayaa lagu sheegay in Galmudug looga baahan yahay inay ka waantoowdo arrimahaas, isla markaana ay xoogga saarto xoojinta deris-wanaagga, iskaashiga amniga iyo nabadgelyada oo ay sheegtay inay muddo dheer ka dhexeeyeen labada maamul.‎‎

Puntland waxay sheegtay inay Galmudug ugu baaqeyso in aan loo oggolaan garoomada diyaaradaha iyo dhulka ay maamusho inay maraan saanad ciidan ama maleeshiyaad, kuwaas oo ay ku andacootay in ujeeddadoodu tahay dhibaateynta shacabka reer Puntland.‎‎

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Puntland ay la socoto dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku eedeysay inay ku lug leeyihiin ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan PSF, kuwaas oo maamulka Puntland uu ku tilmaamay khatar amni.‎‎

Eedeymahan ayaa kusoo aadaya xilli ay sare u kacday xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee u dhexeysa Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay jiraan ismaandhaafyo la xiriira arrimo amni iyo siyaasadeed.‎‎

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowlad-goboleedka Galmudug oo ku saabsan eedeymaha ay Puntland u jeedisay.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.