Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Puntland oo Galmudug ku eedeysay martigelinta ciidamo ay sheegtay inay halis ku yihiin ammaankeeda

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Dowlad-goboleedka Galmudug inuu dowladda Federaalka Soomaaliya kala shaqeynayo joogitaanka maleeshiyaad iyo saanad ciidan oo, sida ay sheegtay, loo adeegsanayo in lagu waxyeelleeyo amniga iyo shacabka Puntland.‎‎

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 26, 2026, 4:05 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Puntland oo Galmudug ku eedeysay martigelinta ciidamo ay sheegtay inay halis ku yihiin ammaankeeda
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Dowlad-goboleedka Galmudug inuu dowladda Federaalka Soomaaliya kala shaqeynayo joogitaanka maleeshiyaad iyo saanad ciidan oo, sida ay sheegtay, loo adeegsanayo in lagu waxyeelleeyo amniga iyo shacabka Puntland.‎‎

War-saxaafadeed ay soo saartay Puntland ayaa lagu sheegay in Galmudug looga baahan yahay inay ka waantoowdo arrimahaas, isla markaana ay xoogga saarto xoojinta deris-wanaagga, iskaashiga amniga iyo nabadgelyada oo ay sheegtay inay muddo dheer ka dhexeeyeen labada maamul.‎‎

Puntland waxay sheegtay inay Galmudug ugu baaqeyso in aan loo oggolaan garoomada diyaaradaha iyo dhulka ay maamusho inay maraan saanad ciidan ama maleeshiyaad, kuwaas oo ay ku andacootay in ujeeddadoodu tahay dhibaateynta shacabka reer Puntland.‎‎

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Puntland ay la socoto dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku eedeysay inay ku lug leeyihiin ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan PSF, kuwaas oo maamulka Puntland uu ku tilmaamay khatar amni.‎‎

Eedeymahan ayaa kusoo aadaya xilli ay sare u kacday xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee u dhexeysa Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay jiraan ismaandhaafyo la xiriira arrimo amni iyo siyaasadeed.‎‎

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowlad-goboleedka Galmudug oo ku saabsan eedeymaha ay Puntland u jeedisay.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.