Wararka24: Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay talis ciidan oo ku yaalla deegaanka Carmo ee gobolka Bari, halkaas oo ay hore u deggenaayeen ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada Puntland ay ku xoojinayso amniga iyo kala dambeynta deegaannadeeda.
Ciidamada Puntland ayaa si buuxda ula wareegay xarunta, waxaana la adkeeyay ammaanka goobta. Puntland ayaa sheegtay in dhammaan ciidamada iyo dhinacyada hubaysan ee ku sugan deegaannadeeda looga baahan yahay inay u hoggaansamaan hay’adaha sharciga ah ee maamulka.
Taliska Booliiska Puntland ayaa sheegay inuu sii wadi doono tallaabooyinka lagu xoojinayo amniga, isagoo xusay in hawlgallada lagu fulinayo si waafaqsan sharciga iyo Dastuurka Puntland.
Carmo ayaa noqotay xaruntii saddexaad ee ay ciidamada Puntland kala wareegaan ciidamo ay sheegtay inay ka amar qaataan Dowladda Federaalka. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Puntland ay waddo dadaallo ay kula wareegayso ciidamo Danab ah oo uu hoggaamiyo Jeneraal Jimcaale Jaamac Takar, kuwaas oo la sheegay inay heshiis la galeen maamulka Puntland.
Tallaabooyinkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay tallaabooyinka lagu mideynayo ciidamada iyo xarumaha amniga ee ka howlgala deegaannadeeda.
Toddobaadkii hore, Puntland waxay sheegtay inay la wareegtay xarumihii ciidamada PSF ee Boosaaso iyo Gaalkacyo, taasoo soo afjartay joogitaankii ciidankaas ee gudaha Puntland. Isbeddelladan ayaa sare u qaaday xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee u dhexeysa Puntland iyo dowladda dhexe.


















