Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Mucaaradka oo loo ogolaaday in hubkooda ay la galaan xerada Xalane

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan xasaasi ah oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo dhexmaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, iyadoo diiradda lagu saaray xiisaddii…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 14, 2026, 1:53 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Puntland iyo Jubbaland oo war culus kasoo saaray arrintii maanta ka dhacday Garoonka Muqdisho,
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan xasaasi ah oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo dhexmaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, iyadoo diiradda lagu saaray xiisaddii ka dhalatay habraaca amniga ee gelitaanka xerada Xalane.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in kulanka si gaar ah loogu falanqeeyay is-hortaaggii maalmahan lagu sameeyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo loo diiday in ay hubkooda la galaan gudaha xeyndaabka garoonka Aadan Cadde. Arrintaas ayaa dhalisay xiisad siyaasadeed iyo baaqasho kulan ay mucaaradku la lahaayeen madaxda Puntland iyo Jubbaland oo ku sugan gudaha xerada.

Sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, kulanka kadib waxaa la isla gartay in madaxdii hore iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka loo oggolaado tiro kooban oo ciidan ah inay la galaan gudaha garoonka, isla markaana ay horay ula sii socodsiiyaan laamaha amniga marka ay u socdaan xerada Xalane.

Waxa kale oo lagu heshiiyay in wixii ka dambeeya 5:00 galabnimo laga soo galo albaabka Marina Gate oo ah kan loo asteeyay habeenkii, si waafaqsan habraaca amniga.

Dowladda Federaalka ayaa horay u adkaysay nidaamka gelitaanka garoonka, taas oo keentay in hoggaamiyeyaasha mucaaradka dib looga soo celiyo aagga garoonka, isla markaana ay baaqato kulan la qorsheeyay oo ay la yeelan lahaayeen madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland. Xaaladdan ayaa sii xoojisay muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka.

Si kastaba ha ahaatee, xal-kan ku-meelgaarka ah ayaa loo arkaa tallaabo lagu dejinayo xiisadda amni ee garoonka, iyadoo la sugayo natiijada wada-hadallada la filayo inay dhex-maraan Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

17 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

18 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.