Wararka24: Qatar iyo Masar ayaa ku dadaalaya inay badbaadiyaan heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee u dhexeeya Israel iyo Xamaas, kaas oo qarka u saaran in uu burburo. Dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ayaa Caasimadda Qaahira ku qabanaya kulamo lagu xaqiijinayo inaysan burburin xabad joojinta Gaza.

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegay in wafdiga ku metelaya wada hadalada ay Arbacadii gaareen dalkaasi Masar. Xamaas ayaa sidoo kale sheegtay in ergadeeda ay kulamo la leeyihiin masuuliyiinta, si ay u kormeeraan dhaqangelinta heshiiska xabad joojinta.
Xamaas waxay Israel ku eedeysay inaysan si sax ah ugu hoggaansamin fulinta qodobada heshiiska. Xalay, Xamaas ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay inaysan wax dheg jalaq ah u siin doonin hanjabaadaha uga imanaya Mareykanka iyo Israel, haddii aysan maxaabiista oo idil Sabtida sii deynin.
Madaxweyne Donald Trump ayaa Xamaas ugu hanjabay in Israel ay ka bixi doonto heshiiska, isla-markaana ay cadaab dhici doonto, haddii aanay maxaabiista oo dhan sii deynin duhurnimada Sabtida.
Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in Israel ay dagaal adag ka bilaabi doonto Marinka Gaza, haddii aan la soo sii deyn maxaabiista looga haysto gudaha Gaza. Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel, ayaa Arbacadii ku goodiyay tallaabo militari oo ka dhan ah Gaza, haddii Xamaas ay ku guuldareysato sii deynta maxaabiista.

Qatar iyo Masar ayaa laga soo xigtay inay xoojinayaan doorkooda diblomaasiyadeed,
(Qatar iyo Masar) ayaa dadal ugu jiro si aysan u burburin xabad joojinta Gaza. Labada dal ayaa muddo dheer dhexdhexaadinayay Xamaas iyo Israel, waana labada dal ee keliya ee martigeliya kulamada lagu dhexdhexaadinayo.
Shacabka Israel ayaa ka bannaanbaxaya ayago u cabsi qabo dadkooda lagu haysto Gaza, iyagoona xukuumadda ku cadaadinaya in ay si dhameystiran u fuliso heshiiska, si qoysaska iyo ehelada ay ugu suurtagasho inay dib ula midoobaan xubnaha ka maqan.
Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed

Wararka Ugu Aqrintabadan Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed 7 hours ago Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba 1 day ago Load More ShareWararka24: Shiinaha ayaa bartamaha bishan Agoosto u diri doona maraakiib dagaal oo cusub Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan ilaalinta maraakiibta ganacsiga…
Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba

Wararka Ugu Aqrintabadan Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed 7 hours ago Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba 1 day ago Load More ShareWararka24: Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ka baxay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, iyadoo mas’uuliyadda amniga saldhigga degmada…
Doorashada guddoomiyaha golaha shacabka oo berri ka dhaceysa Muqdisho

Wararka Ugu Aqrintabadan Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed 7 hours ago Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba 1 day ago Load More ShareWararka24: Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay berri ka dhacdo magaalada Muqdisho, iyadoo maanta la soo gabagabeeyay diyaar-garowga goobta iyo…


















