Kismaayo – Wararka24: Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo si rasmi ah oo diirran loogu soo dhaweeyay.
Garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxaa wafdiga Puntland ku qaabilay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaana halkaas lagu qabtay munaasabad soo dhaweyn ah oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.
Madaxweyne Deni, oo ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa ka qeybgalaya shirka Kismaayo ee la filayo inuu furmo Khamiista soo socota, kaas oo ay sidoo kale ka qeybgeli doonaan xubno mucaarad ah oo ka soo horjeeda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Inta uu joogo Kismaayo, Madaxweynaha Puntland ayaa qorsheynaya inuu shirar gaar gaar ah la yeesho madaxda Jubbaland iyo xubnaha mucaaradka ee isugu tegaya magaalada xeebeedka Kismaayo, iyada oo laga wada hadli doono arrimo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa isna maanta gaaray Kismaayo kadib markii uu ka baxay Muqdisho, waxaana uu ka mid yahay siyaasiyiinta ka qeybgalaya shirka ay martigelineyso Dowlad-goboleedka Jubbaland.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in shirkan ay kaga doodaan xaaladda guud ee siyaasadda dalka, islamarkaana ay ka soo saaraan go’aanno ku saabsan jihada siyaasadeed ee Soomaaliya, xilli ay bilooyin kooban ka harsan tahay muddada xil-heynta Madaxweynaha hadda talada haya.
Sidoo kale, shirweynaha Kismaayo ayaa la filayaa inuu noqdo kii ugu ballaarnaa ee ay mucaaradku qabtaan, iyadoo ay suuragal tahay in ay ka qeybgalaan siyaasiyiin kale oo aan si rasmi ah uga mid ahayn Golaha Mustaqbalka.
Ugu dambeyn, qorshaha shirka ayaa sidoo kale diiradda saaraya ka hor imaanshaha hanaanka doorashooyinka qof iyo cod ee ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo goluhu hore u muujiyay diidmo cad oo ku saabsan muddo-kororsi loo sameeyo Madaxweynaha dalka, islamarkaana ay ka digeen cawaaqibka arrintaas.
















