• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DEG DEG: Daawo: Saciid Deni Oo Gaaray Kismaayo?

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
9 months ago
Reading Time: 3 mins read
Saciid Deni
Share

Kismaayo – Wararka24: Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo si rasmi ah oo diirran loogu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxaa wafdiga Puntland ku qaabilay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaana halkaas lagu qabtay munaasabad soo dhaweyn ah oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.

Madaxweyne Deni, oo ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa ka qeybgalaya shirka Kismaayo ee la filayo inuu furmo Khamiista soo socota, kaas oo ay sidoo kale ka qeybgeli doonaan xubno mucaarad ah oo ka soo horjeeda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Inta uu joogo Kismaayo, Madaxweynaha Puntland ayaa qorsheynaya inuu shirar gaar gaar ah la yeesho madaxda Jubbaland iyo xubnaha mucaaradka ee isugu tegaya magaalada xeebeedka Kismaayo, iyada oo laga wada hadli doono arrimo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa isna maanta gaaray Kismaayo kadib markii uu ka baxay Muqdisho, waxaana uu ka mid yahay siyaasiyiinta ka qeybgalaya shirka ay martigelineyso Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in shirkan ay kaga doodaan xaaladda guud ee siyaasadda dalka, islamarkaana ay ka soo saaraan go’aanno ku saabsan jihada siyaasadeed ee Soomaaliya, xilli ay bilooyin kooban ka harsan tahay muddada xil-heynta Madaxweynaha hadda talada haya.

Sidoo kale, shirweynaha Kismaayo ayaa la filayaa inuu noqdo kii ugu ballaarnaa ee ay mucaaradku qabtaan, iyadoo ay suuragal tahay in ay ka qeybgalaan siyaasiyiin kale oo aan si rasmi ah uga mid ahayn Golaha Mustaqbalka.

Ugu dambeyn, qorshaha shirka ayaa sidoo kale diiradda saaraya ka hor imaanshaha hanaanka doorashooyinka qof iyo cod ee ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo goluhu hore u muujiyay diidmo cad oo ku saabsan muddo-kororsi loo sameeyo Madaxweynaha dalka, islamarkaana ay ka digeen cawaaqibka arrintaas.


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.