• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Safaaradda Shiinaha Oo Faahfaahisay Dib-u-Dhaca Booqashada Wasiir Wang Yi Ee Muqdisho

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
9 months ago
Reading Time: 2 mins read
Safaaradda Shiinaha Oo Faahfaahisay Dib-u-Dhaca Booqashada Wasiir Wang Yi Ee Muqdisho
Share

Muqdisho – Wararka24: 10-01-2026: Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay sababta dib-u-dhaca ku yimid booqashadii la qorsheeyay ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, oo lagu waday inuu 9-ka Janaayo soo booqdo magaalada Muqdisho.

Afhayeen u hadlay safaaradda ayaa sheegay in dib-u-dhigista booqashada ay timid kadib isbeddel ku yimid jadwalka safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, taas oo ka dhalatay wadatashi saaxiibtinimo oo dhex maray wasaaradaha arrimaha dibadda ee Shiinaha iyo Soomaaliya.

Safaaradda ayaa sheegtay in dowladda Shiinaha ay wax ka beddeshay jadwalka safarka Wang Yi, isla markaana labada dhinac ay hadda si wadajir ah uga shaqeynayaan in la helo waqti cusub oo booqashada lagu qabto.

Waxay intaas ku dartay in dib-u-dhigista booqashada aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo la xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid adag oo muddo dheer soo jiray.

Safaaradda Shiinaha ayaa hoosta ka xariiqday in Beijing ay muhiimad gaar ah siiso iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ay la leedahay Soomaaliya, isla markaana ay si buuxda u taageerto dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu ilaalinayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Sidoo kale, dowladda Shiinaha ayaa muujisay diyaar u ahaanshaheeda ah inay sii xoojiso iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ay la leedahay Soomaaliya, iyada oo sheegtay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay ixtiraam, kalsooni iyo dan wadaag.

War-saxaafadeedkan ayaa soo baxay kadib markii warbaahinta qaar ay tabiyeen warar sheegaya in sababo amni awgood uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha uga baaqsaday booqashada Muqdisho, taas oo Safaaradda Shiinaha ay si cad u beenisay.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.