Wararka24: Xisbiga mucaaradka ah ee Kaah ayaa si adag uga horyimid tallaabada ay Somaliland sheegtay inay safaarad uga furtay magaalada Qudus, taas oo dhalisay dood iyo falcelin siyaasadeed.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga Kaah, Ambassador Barkhad Maxamed Kaariye, ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ay ku deg-degtay go’aanno diblomaasiyadeed oo waaweyn oo u baahan qiimeyn iyo wadatashi ballaaran.
Ambassador Barkhad ayaa xusay in heshiisyada iyo tallaabooyinka la xiriira siyaasadda arrimaha dibadda ay tahay inay noqdaan kuwo dhammaystiran, hufan, isla markaana lagu saleeyo danaha muddada dheer ee Somaliland.
Wuxuu ka digay in tallaabooyinka noocan oo kale ah ay yeelan karaan saameyn siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo fog, isaga oo ku baaqay in si taxaddar leh loo wajaho arrimaha la xiriira xiriirrada caalamiga ah.
Xisbiga Kaah ayaa sidoo kale ku eedeeyay xukuumadda inay soo bandhigayso siyaasad aan isku xiraneyn, isaga oo tilmaamay in hadallada iyo go’aannada qaarkood ay is burinayaan.
Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhawaan ku baaqay in si qoto dheer loo daraaseeyo isbeddellada ka socda gobolka iyo dunida, si looga fogaado tallaabooyin wax u dhimi kara danaha Somaliland.
Muuse Biixi ayaa sheegay in dunidu ay marayso marxalad ay ka jiraan isbeddello siyaasadeed oo waaweyn, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara xiriirrada diblomaasiyadeed iyo xisaabaadka istiraatiijiga ah ee gobolka.
Wuxuu ugu dambeyn ugu baaqay hoggaanka Somaliland inay mudnaan siiyaan ilaalinta danaha siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee Somaliland, isla markaana ay si xeeldheer u qiimeeyaan heshiisyada iyo xiriirrada cusub ee ay la galayaan dalalka kale.


















