Wararka24: Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay si taxaddar leh u daraaseyso isbeddellada siyaasadeed ee ka socda gobolka iyo caalamka, si looga fogaado tallaabooyin wax u dhimi kara danaha Somaliland.
Qoraal uu u baahiyay munaasabadda 26-ka Juun awgeed, Muuse Biixi ayaa hambalyo u diray shacabka Somaliland, isaga oo sheegay in 26-kii Juun 1960 ay ahayd maalintii Somaliland ka xorowday gumeystihii Ingiriiska, isla markaana ay heshay madaxbannaani iyo aqoonsi caalami ah. Wuxuu ku tilmaamay midowgii 1-dii Luulyo 1960 inuu noqday cashar siyaasadeed oo muhiim ah.
Muuse Biixi ayaa sheegay in dunidu ay wajaheyso isbeddello siyaasadeed oo waaweyn, isagoo xusay in colaadda Bariga Dhexe ay saameyn ku yeesheen Geeska Afrika. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in natiijada wada hadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ay saameyn ku yeelan karto siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha gobolka.
Madaxweynihii hore ayaa sheegay in ay sii kordhayso saameynta dalal ay ka mid yihiin Iran, Pakistan, Turkiga, Masar iyo Sacuudiga, isagoo xusay inay suuragal tahay in dalalkaasi ay sii xoojiyaan iskaashigooda, iyadoo ay jiraan isfaham la’aan u dhexeysa Mareykanka iyo Israa’iil.
Muuse Biixi ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay si qoto dheer u qiimeyso heshiisyada iyo isbeddellada caalamiga ah, isla markaana go’aannadeeda ku saleeyso ilaalinta danaha Somaliland iyo ka fogaanshaha khaladaad siyaasadeed.
Hadalka Muuse Biixi ayaa ku soo beegmaya kadib safarkii Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu ku tagay Israa’iil, halkaas oo labada dhinac ay ku gaareen heshiisyo iskaashi oo hordhac ah. Inkastoo uusan si toos ah uga hadlin xiriirka cusub ee Somaliland iyo Israa’iil, haddana wuxuu ku booriyay xukuumadda inay mudnaanta siiso qiimeynta xaaladaha siyaasadeed ee gobolka iyo caalamka.


















