• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, September 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Cirro oo sheegay in Israa’iil iyo Denmark ay ka jawaabeen codsiga aqoonsiga Somaliland

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Cirro oo sheegay in Israa’iil iyo Denmark ay ka jawaabeen codsiga aqoonsiga Somaliland
Share

Wararka24: Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in Israa’iil iyo Denmark ay yihiin labada dal ee keliya ee ka jawaabay waraaqihii ay Somaliland u dirtay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee la xiriiray codsiga aqoonsiga.

Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabadda xuska 26-ka Juun ayaa sheegay in Israa’iil ay Somaliland ku wargelisay inay aqoonsanayso, halka Denmark ay sheegtay inay bogaadineyso horumarka iyo waxqabadka Somaliland, balse aysan xilligan bixin karin aqoonsi rasmi ah.

Cirro ayaa sheegay in booqashadiisii Israa’iil ay u xaqiijisay in aqoonsigaasi yahay mid dhab ah. Wuxuu xusay in wafdigiisa lagu soo dhaweeyay maamuus heer qaran ah, isla markaana labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo hordhac ah.

Sida uu sheegay Madaxweynaha Somaliland, heshiiskaasi wuxuu khuseeyaa dhinacyada amniga, beeraha, biyaha iyo caafimaadka. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in iskaashiga dhinaca biyaha uu durba billowday, iyadoo injineerro ka socda Somaliland ay tababarro uga socdaan Israa’iil.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in in ka badan 1,000 shirkadood oo Israa’iili ah ay codsadeen inay la kulmaan wafdiga Somaliland, balse kulamada lagu koobay 100 shirkadood. Wuxuu arrintaas ku tilmaamay inay muujineyso xiisaha maalgashi ee ay shirkadahaasi u qabaan Somaliland.

Waxa uu sidoo kale shaaciyay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland la filayo inuu booqasho ku tago Israa’iil, kadib martiqaad uu ka helay Guddoomiyaha Baarlamaanka Israa’iil. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Denmark ayaan weli si rasmi ah uga hadlin hadallada uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.


Share

Recommended

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

6 months ago
Xawaadle

Daawo Beesha Xawaadle oo uhanjabtay DF Hadi xilka NISA laga qaado Sanbaloolshe! + faahfaahin?

1 year ago
Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

1 year ago
DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

4 months ago
Arday

DAAWO: Arday kaalinta koowaad ka galay imtixanki dowlada oo Lagu Dilay Muqdisho

1 year ago
Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

4 weeks ago
Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.