• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, September 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh oo farriin dib-u-heshiisiin ah u diray Somaliland

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh oo farriin dib-u-heshiisiin ah u diray Somaliland
Share

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay dhegeysato cabashooyinka iyo tabashooyinka laga qabo gobollada Waqooyi, si loo helo waddo lagu xoojinayo wadajirka iyo midnimada Soomaaliyeed.

Isagoo ka hadlayay munaasabadda 26-ka Juun ee lagu qabtay Muqdisho, madaxweynuhu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay maanta haysato fursado horumarineed oo ka duwan kuwii hore, isagoo xusay in horumarka waxbarashada iyo ka qaybgalka bulshada ay muujinayaan isbeddel muuqda oo dalka ka socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in toban sano ka hor shacabka Soomaaliyeed aysan si buuxda ugu dhiirran karin inay xusaan 26-ka Juun, balse maanta ay waddooyinka isugu soo baxeen 65 kun oo arday oo ka qalin-jabiyay dugsiyada hoose, iyo ku dhowaad 50 kun oo arday oo u fadhiistay imtixaanka dugsiyada sare. Wuxuu sheegay in arrintaas ay muujineyso fursadda maanta u
soo hoyatay qaranka

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladnimada aan lagu dhisi karin awood ciidan oo keliya, balse ay saldhig u yihiin aqoon, wada-hadal iyo is-afgarad. Wuxuu xusay in halgankii gobannimada ay door weyn ku lahaayeen shacabka gobollada Waqooyi, kuwaas oo qayb muhiim ah ka qaatay xornimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay garowsan tahay inay jiraan tabashooyin la xiriira taariikhda iyo siyaasadda, isagoo xusay in ay diyaar u yihiin inay sii wadaan dadaallada lagu xallinayo arrimahaas. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in aan laga daali doonin raadinta xal waara oo ku dhisan wada-hadal iyo is-qancin.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in qorshaha dowladda ee ku aaddan Somaliland dib loogu eegayo siyaasad ahaan, si loo helo hannaan cusub oo horseedi kara kalsooni iyo isu soo dhowaansho. Wuxuu intaas ku daray in dowladda aysan aqbali doonin hadallo meel ka dhac ku ah shacabka gobollada Waqooyi, isla markaana loo baahan yahay is-ixtiraam iyo wadajir.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo midnimada dalka iyo dowladnimada Soomaaliya, isagoo shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadaha 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo, una rajeeyay nabad, horumar iyo wadajir.


Share

Recommended

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

6 months ago
Xawaadle

Daawo Beesha Xawaadle oo uhanjabtay DF Hadi xilka NISA laga qaado Sanbaloolshe! + faahfaahin?

1 year ago
Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

1 year ago
DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

4 months ago
Arday

DAAWO: Arday kaalinta koowaad ka galay imtixanki dowlada oo Lagu Dilay Muqdisho

1 year ago
Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

4 weeks ago
Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.