Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Golaha Mustaqbalka oo ku dhawaaqay gogol lagu badbaadinayo dowladnimada Soomaaliya

28-02-2026 Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in 10-ka Abriil ay qabanayaan gogol ay ku tilmaameen mid lagu badbaadinayo dowladnimada Soomaaliya, xilli ay sheegeen in aan la gaarin heshiis ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 28, 2026, 11:52 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Golaha Mustaqbalka oo ku dhawaaqay gogol lagu badbaadinayo dowladnimada Soomaaliya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 28-02-2026 Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in 10-ka Abriil ay qabanayaan gogol ay ku tilmaameen mid lagu badbaadinayo dowladnimada Soomaaliya, xilli ay sheegeen in aan la gaarin heshiis ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.

Golaha ayaa sidoo kale xusay in muddo-xileedka Labada Aqal ee Baarlamaanka uu ku egyahay 14-ka Abriil, taas oo ay ku tilmaameen arrin u baahan xal degdeg ah.

Go’aankan ayaa lagu shaaciyay war-murtiyeed ka soo baxay shir ay ku yeesheen Muqdisho, kaas oo ay ka qeyb galeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, siyaasiyiin iyo waxgarad.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in caddeymo la horgeeyay shirka ay muujinayaan habraac aan waafaqsanayn qodobka 134-aad ee Dastuurka, oo qeexaya nidaamka wax-ka-beddelka dastuurka.

Goluhu wuxuu eedeyn u jeediyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Guddoonka Labada Aqal, isagoo ku dooday in ay ku xadgudbeen Dastuurka iyo xeer-hoosaadyada Baarlamaanka. Sidoo kale, waxay sheegeen in in ka badan 50 xildhibaan laga hor istaagay ka qeybgalka fadhiyada Baarlamaanka sababo la xiriira mowqifkooda ku aaddan wax-ka-beddelka dastuurka.

Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale ka hadlay muddo-dhaafka dowlad-goboleedyada iyo hubanti la’aanta ka taagan doorashooyinkooda, iyagoo ku tilmaamay arrin khatar ku ah kala-guurka siyaasadeed ee dalka.

Waxay ku baaqeen in si waafaqsan dastuurada dowlad-goboleedyada loo qabto doorashooyin degdeg ah, si loo ilaaliyo kala-soocidda awoodaha iyo xasilloonida dowladnimada.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka, iyadoo dhinacyada siyaasadeed ay ku kala aragti duwan yihiin jidka loo marayo xal waara.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

22 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

23 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.