Wararka24: Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiyo Macalin Cali, oo loo yaqaan Sacdiya Bajaaj, kadib fadhi maxkamadeed oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Xukunka ayaa lagu dhawaaqay xilli Sacdiyo ay muddo ku dhow 80 maalmood ku xirneyd xabsiga dhexe ee Muqdisho. Fadhiga maxkamadda waxaa guddoominayay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud.
Maxkamaddu waxay sheegtay in Sacdiyo lagu helay qaar kamid ah eedihii ay xeer ilaalintu kusoo oogtay, kuwaas oo saldhig u noqday go’aanka lagu riday. Garsoorka ayaa sidoo kale caddeeyay in ay haysato xaq ay racfaan uga qaadan karto xukunka haddii ay dooneyso.
Fadhiga lagu dhawaaqayay xukunka waxaa goob joog ka ahaa tiro kamid ah darawallada bajaajta ee ka shaqeeya caasimadda Soomaaliya. Sacdiyo ayaa kamid ahayd haweenka ku shaqeeya mootooyinka bajaajta ee Muqdisho.
Sacdiyo waxaa la xiray horraantii sanadkan, iyadoo dowladda ku eedeysay falal la xiriira hadallo lagu baahiyay baraha bulshada. Hay’adaha dowladda ayaa sheegay in arrimaha lagu soo oogay ay khuseeyaan amniga guud iyo hadallo loo arkay kuwo dhibaato abuuri kara.
Dhanka kale, qaar kamid ah hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo taageerayaasheeda ayaa sheegay in xarigga Sacdiyo uu la xiriiro aragtiyo iyo cabashooyin ay ka muujisay xaaladaha nololeed ee bulshada. Waxay tilmaameen inay ka hadashay arrimo ay ka mid yihiin qiimaha shidaalka, shaqo la’aanta iyo caqabadaha dhaqaale ee saameeya shacabka.
Ilaa hadda lama shaacin faahfaahin buuxda oo ku saabsan qodobada sharciga ah ee maxkamaddu ku saleysay xukunka. Waxaa la filayaa in qareennada difaacaya Sacdiyo ay ka hadlaan go’aanka iyo tallaabooyinka xiga ee dhanka sharciga.
Kiiskan ayaa si weyn u soo jiitay dareenka bulshada Soomaaliyeed, iyadoo dad badan ay si dhow ula socdaan marxaladaha sharciga ee la xiriira racfaanka suurtagalka ah ee xukunka lagu riday Sacdiyo Macalin Cali.


















