• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wasiir Fiqi: “Haddii Israa’11l Cag soo dhigto Soomaaliya, Jawaab Militari Ayaa Iman Doonta”

Qadar Dahir by Qadar Dahir
9 months ago
Reading Time: 2 mins read
Wasiir Fiqi: “Haddii Israa’11l Cag soo dhigto Soomaaliya, Jawaab Militari Ayaa Iman Doonta”
Share

Hargeysa – Wararka24: 03-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay mowqifkeeda ku aaddan difaaca madaxbannaanida dalka, iyadoo sheegtay inay diyaar u tahay tallaabo militari haddii ay Israa’iil ku xadgudubto dhulka Soomaaliya ama arrimaheeda gudaha.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo wareysi siiyay Telefishinka Aljazeera, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahday faragelin aan la aqbali karin, isla markaana dowladda aysan ka aamusi doonin wax kasta oo halis gelinaya midnimada iyo jiritaanka qaranka.

Wasiir Fiqi ayaa xusay in shuruucda caalamiga ah ay si cad u siinayaan dowlad kasta xaqa ay u leedahay inay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay adeegsan doonto dhammaan waddooyinka sharciga ah ee ay ku ilaalin karto madax-bannaanideeda.

“Soomaaliya ma ahan dal iska daawanaya waxa ku dhacaya. Haddii Israa’iil ay isku daydo inay cagta saarto meel ka mid ah dhulkeenna, jawaab militari waa mid lama huraan ah,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Hadalladan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan hadallo iyo walaacyo la xiriira faragelin shisheeye, iyadoo dowladda Soomaaliya ay si joogto ah u muujinayso in ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, iyo danaha qaranka.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.