Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Aqoonsiga Israa’iil Ee Somaliland Ku Tilmaamay Musiibo

Hargeysa – Wararka24: 03-01-2026: Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, oo la hadlayay wariyeyaasha, ayaa si cad uga hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya Soomaaliya, gaar ahaan aqoonsiga ay Israa’iil ku dhawaaqday inay siisay Somaliland.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
January 10, 2026, 1:18 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Wasiirka Arrimaha
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Hargeysa – Wararka24: 03-01-2026: Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, oo la hadlayay wariyeyaasha, ayaa si cad uga hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya Soomaaliya, gaar ahaan aqoonsiga ay Israa’iil ku dhawaaqday inay siisay Somaliland.

Hakan Fidan ayaa aqoonsigaas ku tilmaamay nasiib-darro weyn oo ku dhacday Somaliland, isaga oo sheegay in uu yahay arrin musiibo ah oo aan waafaqsanayn danaha bulsho Muslim ah, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay ceeb iyo fadeexo ku tahay bulshada Muslimiinta ah, isla markaana ay muujinayso baahi loo qabo is-xakameyn iyo feejignaan dhab ah.

“Waxaan u arkaa aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland inuu yahay musiibada ugu weyn ee ku dhici karta Somaliland. Maxaa ka weyn musiibo ku timaadda bulsho Muslim ah ama hay’ad siyaasadeed oo Muslim ah? Dal kale ma aqoonsana, Israa’iil ayaana keligeed aqoonsatay,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga.

Sidoo kale, Hakan Fidan ayaa sheegay in hoggaanka Somaliland ay u adeegayaan dano uu ku tilmaamay kuwo xun, kuwaas oo la xiriira siyaasadaha Israa’iil ee gobolka Geeska Afrika, sida uu hadalka u dhigay.

“Arrintu ma aha cidda aad tahay, balse waa ujeeddada aad u adeegayso. Haddii Ilaahay kuu oggolaaday arrintan, waa ceeb iyo ciqaab weyn dhab ahaantii, waana xaalad u baahan in qofku is-xakameeyo,” ayuu mar kale yiri.

Turkiga ayaa horay u caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo si joogto ah u garab istaaga dowladda federaalka.

Sidoo kale, Ankara ayaa wadday dadaallo diblomaasiyadeed oo heer caalami ah oo ay ku doonayso in ay taageero ugu raadsato Soomaaliya, iyadoo dhawaan wadahadallo la yeelatay Sacuudiga si ay uga wada shaqeeyaan difaaca midnimada Soomaaliya.

Hadalladan ayaa imanaya kadib markii Israa’iil ay 26-kii Diseembar si rasmi ah ugu dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland inay tahay dowlad madaxbannaan, taas oo ka dhigtay dalkii ugu horreeyay ee sidaas sameeya tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taag sannadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

4 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

6 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

7 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

7 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

7 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

7 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

7 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.