• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 13, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Aqoonsiga Israa’iil Ee Somaliland Ku Tilmaamay Musiibo

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
8 months ago
Reading Time: 3 mins read
Wasiirka Arrimaha
Share

Hargeysa – Wararka24: 03-01-2026: Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, oo la hadlayay wariyeyaasha, ayaa si cad uga hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya Soomaaliya, gaar ahaan aqoonsiga ay Israa’iil ku dhawaaqday inay siisay Somaliland.

Hakan Fidan ayaa aqoonsigaas ku tilmaamay nasiib-darro weyn oo ku dhacday Somaliland, isaga oo sheegay in uu yahay arrin musiibo ah oo aan waafaqsanayn danaha bulsho Muslim ah, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay ceeb iyo fadeexo ku tahay bulshada Muslimiinta ah, isla markaana ay muujinayso baahi loo qabo is-xakameyn iyo feejignaan dhab ah.

“Waxaan u arkaa aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland inuu yahay musiibada ugu weyn ee ku dhici karta Somaliland. Maxaa ka weyn musiibo ku timaadda bulsho Muslim ah ama hay’ad siyaasadeed oo Muslim ah? Dal kale ma aqoonsana, Israa’iil ayaana keligeed aqoonsatay,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga.

Sidoo kale, Hakan Fidan ayaa sheegay in hoggaanka Somaliland ay u adeegayaan dano uu ku tilmaamay kuwo xun, kuwaas oo la xiriira siyaasadaha Israa’iil ee gobolka Geeska Afrika, sida uu hadalka u dhigay.

“Arrintu ma aha cidda aad tahay, balse waa ujeeddada aad u adeegayso. Haddii Ilaahay kuu oggolaaday arrintan, waa ceeb iyo ciqaab weyn dhab ahaantii, waana xaalad u baahan in qofku is-xakameeyo,” ayuu mar kale yiri.

Turkiga ayaa horay u caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo si joogto ah u garab istaaga dowladda federaalka.

Sidoo kale, Ankara ayaa wadday dadaallo diblomaasiyadeed oo heer caalami ah oo ay ku doonayso in ay taageero ugu raadsato Soomaaliya, iyadoo dhawaan wadahadallo la yeelatay Sacuudiga si ay uga wada shaqeeyaan difaaca midnimada Soomaaliya.

Hadalladan ayaa imanaya kadib markii Israa’iil ay 26-kii Diseembar si rasmi ah ugu dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland inay tahay dowlad madaxbannaan, taas oo ka dhigtay dalkii ugu horreeyay ee sidaas sameeya tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taag sannadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.