• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, January 23, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Axmed Madoobe oo DF Uqabtay Mudo 20 cisho ah?

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
1 week ago
Reading Time: 2 mins read
Axmed Madoobe
Share

Wararka24: 14-01-2026: Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay in maamulkiisu qaadi doono go’aanno adag haddii ilaa 20-ka bishan aan wax jawaab ah laga helin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku saabsan nidaamka doorasho ee dalka.

Hadalkan ayuu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka Jubbaland, isaga oo xusay in Jubbaland ay mar walba u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan aqbali doonin go’aanno hal dhinac ah.

Axmed Madoobe

“Jubbaland waxa ay u taagan tahay midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Somaliland waxa aan leeyahay, halka aad aadeen la idin kama jirto,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa carrabka ku adkeeyay in khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka uu u baahan yahay xal qaran oo lagu wada heshiiyay, isaga oo sheegay in aanay suurtagal ahayn in hal dhinac oo kaliya uu go’aan kama dambeys ah ka gaaro mustaqbalka doorashada.

Hadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli ay xisbiyada mucaaradka hore u muujiyeen walaac la mid ah, iyaga oo ku hanjabay inay qaban doonaan doorasho iyaga u gaar ah haddii aan la helin hannaan doorasho oo lagu wada heshiiyay, kuna dhisan dastuurka iyo is-afgarad siyaasadeed.

Ugu dambeyn, Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay si degdeg ah uga jawaabto walaacyada jira, isla markaana la isugu yimaado wadatashi ballaaran oo lagu badbaadinayo midnimada dalka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.


Share
Previous Post

DEGDEG: Shabaab OO Weerar Ku Qaadeen Beledweyne?

Next Post

DAAWO: Madaxweynaha Somaliland Oo Davos Kula Kulmay Madaxweynaha Israa’iil

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee...

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare...

Wilkie

Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Haba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan,...

Fiqi

Fiqi: marnaba kama tanaasulidoona ilaalinta madaxbannaanida dalka somaliyeed

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin...

Guban

DF Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhismaha Maamulka Cusub Ee Guban State

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista maamulka cusub ee Guban State, kaasi oo xildhibaanno...

Xasan Sheekh

UK Oo Farriin U Dirtay Golaha Mustaqbalka somaliyeed Kadib Casuumaadda Xasan Sheekh

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhoweysay gogosha wadatashi qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,...

Load More
Next Post
Somaliland

DAAWO: Madaxweynaha Somaliland Oo Davos Kula Kulmay Madaxweynaha Israa’iil

Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Safar Ku Tagaya Addis Ababa

Kudhaa

Dagaal Culus Oo Markale Ka Qarxay Magaalada Kudhaa Ee Jubbada Hoose

Recommended

Cabdiraxmaan Cirro

Cabdiraxmaan Cirro ayaa si kulul uga hadlay dagaalka Buqdhaarkeyn?

11 months ago
Xalane

Xerada Xalane oo manta Hoobiyeyaal Culus Lagu Garaacay + Faahfahin

8 months ago
Maamulka Puntland

Maamulka Puntland oo si adag uga hadashay mowqifka SSC-Khaatumo ee ku aaddan gobolka Sanaag

8 months ago
Puntland oo sheegtay

Puntland oo sheegtay in ay Dishay 44 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Daacish..

11 months ago
hawlgalkii weynaa ee Gobolada Dhexe

Gobolada Dhexe Waxaa dib u bilowday Hawlgalkii Weynaa ka dhanka khawarijinta Malinti 2aad..

11 months ago
Xi Jinping

Xi Jinping: Shiinaha wuxuu ixtiraamayaa xaqa Iran ee tamarta nukliyeerka

5 months ago
Barkhad

Xildhibaan barkhad oo arin yaab leh codsaday.

6 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.