• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Axmed Madoobe oo DF Uqabtay Mudo 20 cisho ah?

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
9 months ago
Reading Time: 2 mins read
Axmed Madoobe
Share

Wararka24: 14-01-2026: Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay in maamulkiisu qaadi doono go’aanno adag haddii ilaa 20-ka bishan aan wax jawaab ah laga helin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku saabsan nidaamka doorasho ee dalka.

Hadalkan ayuu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka Jubbaland, isaga oo xusay in Jubbaland ay mar walba u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan aqbali doonin go’aanno hal dhinac ah.

Axmed Madoobe

“Jubbaland waxa ay u taagan tahay midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Somaliland waxa aan leeyahay, halka aad aadeen la idin kama jirto,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa carrabka ku adkeeyay in khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka uu u baahan yahay xal qaran oo lagu wada heshiiyay, isaga oo sheegay in aanay suurtagal ahayn in hal dhinac oo kaliya uu go’aan kama dambeys ah ka gaaro mustaqbalka doorashada.

Hadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli ay xisbiyada mucaaradka hore u muujiyeen walaac la mid ah, iyaga oo ku hanjabay inay qaban doonaan doorasho iyaga u gaar ah haddii aan la helin hannaan doorasho oo lagu wada heshiiyay, kuna dhisan dastuurka iyo is-afgarad siyaasadeed.

Ugu dambeyn, Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay si degdeg ah uga jawaabto walaacyada jira, isla markaana la isugu yimaado wadatashi ballaaran oo lagu badbaadinayo midnimada dalka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.