
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa wareysi xasaasi ah oo uu siiyay VOA kaga hadlay arrimaha dorashooyinka dalka, isaga oo xusay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka go’an tahay hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod ah.
Ahmed Fiqi ayaa sheegay in Villa Soomaaliya ay qorsheyneyso doorasho cadaalad ah oo awoodda dib loogu celinayo shacabka, isagoo intaa raaciyay in dadaallo socda ay horseedi doonaan xal waara oo laga gaaro muranka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka.
Fiqi ayaa shegay in Dorashooyinka qof iyo cod Waa Lagu Qaban Doonaa Puntland iyo Jubbaland


Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in maamullada Jubbaland iyo Puntland – oo hadda ka soo horjeeda qorshaha doorashada ay ugu dambeyn qeyb ka noqon doonaan hirgelinta nidaamkan.
Waa laga gudbayaa nidaamka is addoonsiga ee qof maamul-goboleed jooga saf loo galo, shacabkana rahmad uma haysan karo. Dorashooyinka waxay ka dhici doontaa Puntland iyo Jubbaland,” ayuu yiri Wasiirka.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Ahmed fiqi ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u diyaar garoobaan doorashada, kana aaminaan dowladda inay hannaanka doorashooyinka u maamuli doonto si hufan.
Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay ku jirto xaalad jahwareer siyaasadeed ah, iyadoo madaxda dowladda, mucaaradka, iyo qaar kamid ah madax-goboleedyada ay weli isku khilaafsan yihiin qaabka loo wajahayo doorashooyinka soo socda..
Trending
- 148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay
- dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?
- LIVE: Wararka maanta soomalia, DF ayaa qaadatay in Jubbaland cusub la sameeyo..
- LIVE: Wararki maanta caalamka: Trump oo waayey bilad uu aad u rabay in lasiiyo..?
- LIVE: War Deg Deh Ah: Puntland oo taageerey Heshiiska ay lagaleen Somaliland?
148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay
ShareMuqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daadgureeyay dalka Yemen, iyadoo kaashaneysa hay’adaha gargaarka caalamiga ah. Muwaadiniintan oo isugu jira rag, dumar iyo carruur ayaa lagu soo celiyay diyaarad khaas ah oo si toos ah uga timid Yemen, kadib markii ay halkaas…
dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?
ShareDhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay in deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ku dileen hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay. Howlgalka oo socday ku dhowaad 24 saacadood ayaa la sheegay inuu si gaar ah loogu beegsaday rag…
LIVE: Wararka maanta soomalia, DF ayaa qaadatay in Jubbaland cusub la sameeyo..
Share Share