
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa wareysi xasaasi ah oo uu siiyay VOA kaga hadlay arrimaha dorashooyinka dalka, isaga oo xusay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka go’an tahay hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod ah.
Ahmed Fiqi ayaa sheegay in Villa Soomaaliya ay qorsheyneyso doorasho cadaalad ah oo awoodda dib loogu celinayo shacabka, isagoo intaa raaciyay in dadaallo socda ay horseedi doonaan xal waara oo laga gaaro muranka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka.
Fiqi ayaa shegay in Dorashooyinka qof iyo cod Waa Lagu Qaban Doonaa Puntland iyo Jubbaland


Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in maamullada Jubbaland iyo Puntland – oo hadda ka soo horjeeda qorshaha doorashada ay ugu dambeyn qeyb ka noqon doonaan hirgelinta nidaamkan.
Waa laga gudbayaa nidaamka is addoonsiga ee qof maamul-goboleed jooga saf loo galo, shacabkana rahmad uma haysan karo. Dorashooyinka waxay ka dhici doontaa Puntland iyo Jubbaland,” ayuu yiri Wasiirka.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Ahmed fiqi ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u diyaar garoobaan doorashada, kana aaminaan dowladda inay hannaanka doorashooyinka u maamuli doonto si hufan.
Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay ku jirto xaalad jahwareer siyaasadeed ah, iyadoo madaxda dowladda, mucaaradka, iyo qaar kamid ah madax-goboleedyada ay weli isku khilaafsan yihiin qaabka loo wajahayo doorashooyinka soo socda..
Trending
- Iran Oo Weerartay Saldhigyo Maraykanka Leeyahay iyo Xiisadda Gobolka Oo Sii Kacday
- Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda
- Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan
- Dowladda Federaalka Oo Wafdi Wasiirro Ah U Dirtay Beledweyne
- Qaramada Midoobay Oo Xil Sare U Magacowday Mas’uul Soomaaliyeed
Iran Oo Weerartay Saldhigyo Maraykanka Leeyahay iyo Xiisadda Gobolka Oo Sii Kacday

Wararka Ugu Aqrintabadan Iran Oo Weerartay Saldhigyo Maraykanka Leeyahay iyo Xiisadda Gobolka Oo Sii Kacday 4 hours ago Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan 4 hours ago Load More ShareWararka24: Iran ayaa sheegtay inay weerarro ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin gobolka, kadib duqaymo uu Maraykanku ku beegsaday xarumo…
Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda

Wararka Ugu Aqrintabadan Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda 4 hours ago Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan 4 hours ago Load More ShareWararka24: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag uga jawaabay hadallo uu dhawaan jeediyay agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda…
Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan

Wararka Ugu Aqrintabadan Iran Oo Weerartay Saldhigyo Maraykanka Leeyahay iyo Xiisadda Gobolka Oo Sii Kacday 4 hours ago Wasiir Fiqi Oo Ka Jawaabay Eedeymihii dilka ahaa oo Sanbaloolshe ujeediyay Dowladda 4 hours ago Load More ShareWararka24: Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa si adag u cambaareeyay dilal lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah oo…



















