
Maamul goboleedka Hir shabelle ayaa shaaca ka qaaday in dagaal ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay Abwaan Nageeye Cali Khaliif, oo dhowaan ku biiray kooxda Al-Shabaab kaddib markii uu iska dhiibay degmada Jilib ee Jubbada Dhexe.
Afhayeenka madaxweynaha HirShabeelle, Daa’uud Xaaji Cirro, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Nageeye iyo xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaal culus oo maanta ka dhacay degmada Alkowsar.
Khawaarijkii Abwaan Nageeye ahaa waxa ku cibaadeystay geesiyaasha qaranka, waxa uuna ku ruux baxay degmada Alkowsar,” ayuu yiri afhayeenka HirShabeelle.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu socday illaa duhurnimadii maanta, iyadoo ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay sawirro la sheegay inay yihiin maydad ay ka carareen.
Xaaladda degmada Alkowsar ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo gobolka Shabeellaha Dhexe ah. HirShabeelle ayaa sheegtay in kacdoon cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab uu ka curtay gobolka, si looga hortago isku dayga kooxda ee dib u qabsashada deegaanadaasi.
Geerida abwaan nageeye ayaa wali ku eg Sheegashada Maamul goboleedka Hirshabelle, warkan aya wali cusub wixi kale oo kasoo kordho waaxan idinla soo socod siin doona..
Falanqeynta Geerida abwaan nageeye ee baraha Bulshada somalida, (social media)
Idiris Alteeso oo bartisa Facebook so dhigay,
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Dagaal culus oo ka dhacay degmada Alkowthar ee gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay Abwaan Nageeye.
Inkastoo warkaan wali si rasmi ah loo hubin, hadana saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegaya in Abwaan Nageeye uu kamid ahaa saraakiil sarsare oo AS ka tirsan oo maanta looga dilay deeganada waqooyi bari ee gobolka Sh/dhexe.
Bashir Hashi Yussuf Ayaa isna bartisa X (Twitter) so dhigay,
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in maanta Abwaan Nageeye oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab iyo saaxiibkiis lagu dilay dagaal ka dhacay Al-Kawthar ee gobolka Shabeellaha Dhexe #Somalia.
Waxa xusid mudan in labadan dableyda ahi ay asal ahaan ka soo jeedaan Somaliland ee Soomaaliya
Treanding
- Cirro oo sheegay in aragtida Soomaaliweyn ay dagaal horseedi karto
- Puntland oo sheegtay inay soo furtay markab shidaal oo afduub loo geystay
- Cabsi laga qaba in Magaalooyin waa weyn ay Al-Shabaab u gacan galaan
- Lixda qodob ee ugu waaweynaa khudbaddii Xasan Sheekh ee QM
- Faransiiska oo ciidamo iyo nidaamyo difaac u diraya Sacuudiga
Cirro oo sheegay in aragtida Soomaaliweyn ay dagaal horseedi karto

ShareWararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu doonayo in dhammaan dadka Soomaalida ah lagu mideeyo hal dal uu sababi karo khilaaf iyo dagaal, isaga oo ka hadlayay mustaqbalka Somaliland iyo xiriirka ay la leedahay Soomaaliya. Cirro ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu 24-kii Sebtembar 2026 magaalada New…
Puntland oo sheegtay inay soo furtay markab shidaal oo afduub loo geystay

ShareWararka24: Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadiisa ammaanka ay howlgal ku soo furteen markabka shidaalka ee SIBU 1, kaas oo kooxo burcad-badeed ah ay afduub ku haysteen xeebaha Puntland, iyadoo maamulka uu sheegay in markabka iyo shaqaalihii saarnaa la badbaadiyay. Puntland ayaa sheegtay in howlgalka lagu soo qabtay markabka uu dhacay kaddib iska horimaad dhexmaray…
Cabsi laga qaba in Magaalooyin waa weyn ay Al-Shabaab u gacan galaan

ShareWararka24: Hay’adda International Crisis Group ayaa ka digtay in Soomaaliya ay wajihi karto dib-u-dhac amni, iyadoo Al-Shabaab ay fursad u heli karto inay dib ula wareegto qaar ka mid ah deegaannada ay dowladda hadda maamusho, xilli howlgalka Midowga Afrika uu wajahayo isbeddel iyo hoos u dhac ku yimaada joogitaanka ciidamadiisa. Hay’addu waxay sheegtay in khatartu…









