
Wararka24: Xiisadan kadhalatay xaduuda kenya iyo ethopia, ayaa 22 qof oo kalluumaysato Kenyan ah lagu la la’yahay kaddib iska hor imaad dhexmaray kalluumaysato Kenyan ah iyo kuwo Itoobiyaan ah oo ka dhacay xuduudda, sida ay xaqiijiyeen booliska iyo masuuliyiinta dowladda Kenya.
Weerarka ayaa ka dhacay fiidnimadii Sabtida, deegaanada Lopeimukat iyo Natira oo ku teedsan webiga Omo ee xadka Kenya iyo Itoobiya. Guddoomiyaha gobolka Turkana, Jeremiah Lomorukai, ayaa Axaddii sheegay in iska hor imaadkani sababay khasaare xooggan, iyadoo la xaday 15 doon oo ay leeyihiin kalluumaysatada Kenyan-ka.
Booliska Turkana ayaa xaqiijiyay in lix kalluumaysato ah oo ka tirsan qowmiyadda Dasenech ee Itoobiya la badbaadiyey oo dib loogu celiyay dalkooda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa sheegay in dowladda ay ciidamo dheeraad ah u dirtay xadka si loo xakameeyo xiisadda, isla markaana uu wadahadallo la leeyahay dowladda Itoobiya si loo “dhex-dhexaadiyo nabadda labada bulsho.
Xiisadaha u dhexeeya kalluumaysatada labada dal ayaa soo noqnoqday, iyadoo muran ka taagan yahay kheyraadka biyaha iyo xuduudaha dabiiciga ah ee webiga Omo. Masuuliyiinta Kenya ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dadaallada lagu baadi-goobayo kalluumaysatada la la’yahay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Murkomen ayaa manta gaaray gobalka turkana soo loo dajiyo Xiisadan kadhalatay xaduuda labada dal, kenya iyo ethopia

Wasiirka Ayaa Manta bartiisa X oo hore looyaqaan (Twitter) soo dhigay! waxaan gaaray manta magalada Todonyang ee ismaamulka Turkana, si aan uso qiimeyo xalada guud ee amni kadib dhacdadi sabtidi kadhacday gobalkaas ee u dhaxeyso muwaadaninta kenyan ka ah iyo kuwa ethopian ka ah…
Trending
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed ayaa xiisad ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Kenya, kaddib eedeymo la xiriira Laftagareen oo ku sugan Nairobi.
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro ayaa la sheegay inuu Brazil uga baxay Mareykanka kaddib guuldarradii doorashada, Washington-na fiise ayay siinaysaa.
Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil ayaa u muuqata mid aan cidna ku guuleysan, iyadoo garabka Netanyahu iyo kan Eisenkot ay isku dhow yihiin.












