• About Us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, August 24, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Bulshada

Xoogaga Macawisleyda oo Door Weyn ka Qaadanaya Hawlgalka Gobolka Hiiraan

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xoogaga Macawisleyda
Share

Wararka24: Xoogaga Macawisleyda ayaa si weyn uga qayb qaadanaya hawlgalka ka socda Gobolka Hiiraan, iyagoo wadajir ka dagaalama maleeshiyada Al Shabaab. Tani waxay la mid tahay wejigii koowaad ee hawlgalkii hore, oo lagu qabsaday deegaanada bariga gobolkaasi.

Xoogaga Macawisleyda

Wejiga labaad ee hawlgalka, oo laba toddobaad ka hor bilowday, ayaa Xoogaga Macawisleyda iyo Ciidanka Xoogga Dalka uu ku guuleystay inay isku furaan waddada u dhexeysa Degmada Halgan iyo Beera-yabaal. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in waddadaasi ay hadda ammaan tahay, iyadoo Al Shabaab laga fogeeyay.

Dowladda Federaalka ayaa dhawaan dib u bilowday mushaaraadkii iyo gunnooyinkii la siinayay Xoogaga Macawisleyda,

iyadoo ay muhiim u yihiin hawlgalka dib-u-xoreynta dalka. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage, iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa mar kale ku dhiirrigeliyay Xoogaga Macawisleyda inay sii wadaan la dagaalanka Al Shabaab.

Taliska Militariga ayaa siiyay Xoogaga Macawisleyda hub iyo qalab cusub, iyadoo la ogaaday inay muhiim u yihiin sidii looga hortagi lahaa isku dhacyada beelaha ee deegaanada Hirshabelle. Hadafka weyn waa in lagaga hortago in Macawiisleyda ay ku dhex milmaan dagaalada beeleedyada, halkaas oo looga faa’iideysanayo hawlgalka dib-u-xoreynta.

Xoogaga Macawisleyda ee Gobolada Shabellaha Dhexe, Galgaduud, iyo Mudug ayaa hadda loo dhameystirayaa qalabka ay u baahan yihiin, iyagoo qayb ka noqonaya hawlgalada la damacsan yahay in goboladaasi ay dib uga bilowdaan.

Ciidanka Difaaca Shacabka, oo ka kooban Xoogaga Macawiisleyda,

waa ciidan deegaanka ah oo geed geed u garanaya dhulka la doonayo in Al Shabaab laga saaro. Tani waxay muujinaysaa sida ay ugu wanaagsan tahay in ciidamada iyo shacabku wadajir ugu dagaalamaan Al Shabaab.

Faallooyinka dadka qalinka adeegsada ayaa muujinaya in marka Macawiisleyda la abaabulo ay hawlgalku aad uga wanaagsan yahay, gaar ahaan marka ciidamada oo keliya ay dagaal gelayaan.

Awooddii Al Shabaab ee bartamaha dalka ayaa si weyn loo wiiqay sanadkii 2023, inkastoo hawlgalku uu hakaday sanadkii 2024, sababo la xiriira Villa Somalia oo ka sii jeedsatay ololihii militari. Shabaabka oo ka faa’iideystay hakadka ayaa dib ugu soo laabtay deegaanada qaar ee Gobolada Dhexe.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hadda wada qaabeynta iyo qorsheynta istiraatiijiyadda ay tahay in lagu soo gacan geliyo dhulka maqan, iyadoo Macawiisleyda ay kaalin muhiim ah ka qaadanayaan hawlgalada mustaqbalka.

Wararka24


Share
Tags: wararka mantawararka somalia
Previous Post

Ciidamada Israel oo Maanta ka Baxaya Netzarim, Gaza

Next Post

Gurmadka Ciidamada oo Ku Qulqulaya Dhinaca Furimaha Gobolka Hiiraan

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir

Cabdiraxmaan Daahir waa qoraa iyo tafatire sare oo ka tirsan Wararka24.com, isaga oo door muhiim ah ku leh hubinta iyo hagaajinta tayada wararka ka soo baxa wararka24.

Related Posts

Xiis Xarago: Nimcaan Hilaac wuxuu ka doorbiday baasaboor wiil aan udhalay

Xiis Xarago: Nimcaan Hilaac wuxuu ka doorbiday baasaboor wiil aan udhalay

by Yasmin Jamal
August 15, 2025

Xiis Xarago oo ka hadlaysay “live” TikTok ayaa ku eedeysay fannaan Nimcaan Hilaac in uu ka doortay baasaboor...

Haweeney

Arin Naxdinleh: Haweeney qiratay inay 22 sano gudahood ku dishay 11 nin oo qabay.

by Yasmin Jamal
August 13, 2025

Haweeney u dhalatay Iran oo 56 sano jir ah ayaa maanta la hor-keenay maxkamad ku taalla dalka Iran,...

Daawoyinka ilmaha

Daawoyinka ilmaha lagu rido oo Dhibaato weyn ku Reeba 11% Dumarka. Sababta?

by Yasmin Jamal
July 10, 2025

Baaritaan cusub ayaa muujiyay in daawada mifepristone ee ay dumarka u isticmalan in ilmaha uurka iska-ridaan ay dhibaato...

aabahay

Anigoo yar ayaa aabahay waxa dilay nin abti u ahaa, Taariikhda Aabe Dhalay Carruur 14.

by Amran Mahad
May 18, 2025

Anigoo yar ayaa aabahay waxaa dilay reer kale oo aan degaan wadaagnay. Markaan soo hanaqaaday ayaa maalin reerkeennu...

Gabdhaha Soomaliyed

DAAWO, Gabdhaha Soomaliyed badankood qudbo siro ayaa lagu guursada, Wasiirka Haweenka Somaliya, Khadija Al Makhzumi

by Amran Mahad
May 18, 2025

Wasiirka Haweenka Somaliya Khadija Al Makhzumi ayaa maanta sheegtay in Gabdhaha Soomaliyed inta badan lagu qabo qudbo-sirro, in...

Roobab

Daawo warbixinta: Roobab mahiigaan ah oo khasaare Dhimasho geystay ayaa ka da’ay magaalada Muqdisho

by Sajid Ahmed
May 10, 2025

Sawirada qasaaraha wadoyinka burburay ee manta 10/05/2025 Roobab mahiigaan ah oo habeenkii xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa...

Next Post
Gurmadka ciidamada

Gurmadka Ciidamada oo Ku Qulqulaya Dhinaca Furimaha Gobolka Hiiraan

dib u dhigista

Dib u Dhigista Sii deynta Maxaabista ee Xamaas ayaa kiciyay Muran iyo Mudaharad

DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

Recommended

Maxamed Cali Ameeriko

Danjire Maxamed Cali Ameeriko oo lo magacaabay xilweyn + sababta?

5 days ago
Muuqaal Cusub

Daawo: Muuqaal Cusub oo ka Soo Baxay Duqeyntii Aadan Yabaal.

2 months ago
liverpool

Weerarkii Ka Dhacay Dabaal-degga Liverpool oo lo haysto Nin 53 Jir ah + faahfahin

3 months ago
Trump

Trump ayaa sheegay in Putin uusan ka qayb gali doonin wada-hadallada uu Ukraine ee Turkiga!

3 months ago
hawlgalka ciribtirka Daacish

Wararka Manta, Puntland oo Guulo Horleh kagaartay daacish+ Sawiro iyo Mesha ay wax marayaan

6 months ago
Cabbaas Araghchi

Cabbaas Araghchi oo kusugan Pakistan si xal looga gaaro Xisada India iyo Pakistan

4 months ago
Axmed Madoobe

Axmed Madoobe oo ubaxay safar dibadeed, Sababta iyo Faahfahin dheerad ah

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.