Wararka24: Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa safar degdeg ah ugu ambabaxay Magaalada Ankara, si uu uga hadlo shirka Mareykanka iyo Ruushka uga furmay dalka Sacuudiga. Zelensky oo la kulmay Erdogan ayaa sidoo kale ka codsaday in uu qayb ka noqdo wada hadalada, si loo helo damaanad Awood leh.

Shirka Caasimadda Riyadh ayaa loogu gogol-xaaraya in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine, ka dib saddex sano oo dagaal ah. Shirka ayaa waxaa ka qaybgelaya Saraakiisha Ruushka iyo Mareykanka oo keliya, iyadoo aysan Ukraine wax door ah ku lahayn. Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayaana horey u qaadacay shirka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in Ukraine iyo xulafada reer Yurub laga la tashaday shirka, tiiyoo aan haddana miiska wada hadalka lagu arkin masuuliyiin ka socda Ukraine iyo xitaa Yurub oo goobjoog ka ah wada-xaajoodyada miiska wada hadalka.
Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay inaanan lagu soo casuumin shirka, maadaama looga hadlayo masiirka dalkiisa. Sidokale Erdogan ayaa sheegay inaysan aqbali doonin wax kasta oo shirka ka soo baxa, isagoona carabka ku adkeeyay inaysan soo dhaweyn doonin natiijo kasta oo Washington iyo Moscow ay gaaraan, inta Kyiv ay ka maqan tahay wada hadalka.
Madaxweynaha Ukraine Ukraine oo shir jaraa’id ku qabtay Ankara ayaa Boqortooyada Sacuudiga ugu baaqay inay qabato wada hadal caddaalad ah, isla markaana ay dib u dhigto shirka
Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ayaa sheegay in shirka ay tahay in lagu soo martiqaado Ukraine, Midowga Yurub, Turkiga iyo Ingiriiska, haddii la doonayo in si rasmi ah loo soo afjaro dagaalka dalkiisa.
Ukraine, Midowga Yurub, Turkiga iyo Ingiriiska waa inay ku lug yeeshaan wada hadalada iyo horumarinta damaanadaha amniga ee lagama maarmaanka u ah Mareykanka ee ku saabsan masiirka qaybteenna adduunka,” ayuu yiri Zelensky.
Zelensky ayaa shirkiisa jaraa’id ku dhalleeceeyay shirka labada geesoodka ah ee Ruushka iyo Mareykanka ay ku keliga yihiin, isla markaana looga hadlayo mustaqbalka Ukraine, iyadoo uusan jirin wakiil qura oo ku metelaya shirkaasi.
Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ayaa ku nuuxnuuxsaday inuusan diyaar u ahayn in uu ogolaado in Ruushku uu qaato dhul ay Ukraine leedahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in joojinta colaadda Ukraine ay tahay in la wada aqbalo, dhammaan Ukraine, Yurub iyo Ruushka.
Madaxweyne Donald Trump, oo ah midka riixaya wada hadalada Riyadh, ayaa la sheegaya in uu Ukraine dirqi kaga dhigi doono inay aqbasho in qayb ka mid ah dhulkeeda ay ku wareejiso Ruushka, si ay ugu bedelato nabad.
Ruushka ayaa horey dagaalka ugu qabsaday in ka badan boqolkiiba labaatan dhulka Ukraine, iyadoona Baarlamaanka Ruushka uu ansixiyay sharci lagu qarameeyay afar ka mid ah gobolada dalkaasi Ukraine oo lagu daray dhulweynaha Ruushka.
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xilligaasi wacad ku maray in dowladdiisu ay dhaqangelin doonto, waxa uu ku sheegay ansixinta sharciga qarameynta ah.
Muddadii Ukraine ay dagaalka kula jirtay Ruushka waxay taageerada ugu badan ka heleysay Dowladdii Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ee Madaxweyne Joe Biden, taasoo hadda u muuqato mid meesha ka baxday.
Trump ayaa ololihiisii dib u doorashada ee bishii November ku ololeynayay in haddii la doorto uu joojin doono taageerada militari ee Mareykanka uu siiyo Ukraine, isla markaana uu muddo gaaban ku soo afjari doono dagaalka Ukraine iyo Ruushka.
Aljeeriya oo soo bandhigtay xog ku saabsan qorshaha Israa’iil ee soomaaliya

ShareWararka24: Dowladda Aljeeriya ayaa Qaramada Midoobay ka sheegtay inay ka soo horjeeddo tallaabada Israa’iil ee ay ku aqoonsatay Somaliland, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda Ahmed Attaf uu ku eedeeyay Israa’iil inay waddo dadaallo lagu kala qeybinayo Soomaaliya. Hadalka ayaa yimid Isniintii, xilli uu Attaf ka qeybgalayay doodda guud ee kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada…
Michael Olise oo gool daqiiqaddii 88aad ah France ku hogaamiyay guul

ShareWararka24: Michael Olise ayaa gool qurux badan dhaliyay daqiiqaddii 88aad, isagoo France ka caawiyay inay 1-0 kaga adkaato Belgium kulan ka tirsanaa Nations League. Guushan ayaa Les Bleus u noqotay tii labaad oo xiriir ah, kaddib markii ay Jimcihii ka soo adkaadeen Turkey. Tababaraha France, Zinedine Zidane, ayaa kulankiisii labaad ee uu hoggaaminayo sameeyay sagaal…
Koonfur Galbeed oo sheegtay in in ka badan 70 dagaalyahan lagu dilay Baydhaba

ShareWararka24: Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in in ka badan 70 dagaalyahan lagu dilay dagaalkii cuslaa ee Isniintii ka dhacay magaalada Baydhaba, kaas oo billowday aroortii hore, iyadoo dhinacyada isku haya magaalada ay kala duwan yihiin sida ay uga warramayaan cidda bilowday iska horimaadka. War-saxaafadeed uu maamulka soo saaray ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda…








