Wararka24: Dowladaha Mareykanka iyo Ruushka ayaa maanta shir uga furmay Magaalada Riyadh, iyadoona ajandaha ugu weyn ee shirka looga hadlayo uu yahay dagaalka Ukraine.

Dhinaca Ruushka ayaa waxaa shirka uga qaybgelaya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sergey Lavrov, iyo Yuri Ushakov, oo ah La taliyaha Siyaasadda ee Madaxweyne Vladimir Putin. Dhinaca Mareykankana waxaa uga qaybgelaya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, La taliyaha Amniga Qaranka, Mike Waltz, iyo Ergayga Madaxweyne Donald Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff.
Shirka Mareykanka iyo Ruushka oo uga furmay dalka Sacuudiga ayaa loogu gogol-xaaraya in nabad ay ka dhacdo dalka Ukraine,


Ka dib saddex sano oo dagaal ah. Shirkan ayaa noqonaya wada hadalkii ugu horreyay ee toos ah ee ay yeeshaan Moscow iyo Washington, tan iyo markii Ciidamada Ruushka ay duulaanka ku qaadeen Ukraine.
Shirka ayaa imanaya maalmo yar uun ka dib, markii Madaxweyne Donald Trump uu khadka teleefanka kula hadlay dhiggiisa Ruushka, isla markaana ay isku waafaqeen in la bilaabo dadaalo diblomaasiyadeed oo lagu soo afjarayo colaadda Ukraine.
Trump ayaa dabada ka riixayay wada hadalada laba geesoodka ee Riyadh, oo looga hadlayo masiirka dal aan wax door ah ku lahayn miiska wada hadalka. Shirka ayaa sidoo kale ay labada dal doonayaan in ay ku hagaajiyaan xiriirkii iyo cilaaqaadkii labada dowladood.
Aqalka Cad ee Mareykanka iyo Aqalka Kremlin-ka ayaa labaduba bogaadiyay shirka Riyadh.
NISA oo sheegtay inay duqeyn ku dishay 12 xubnood oo Al-Shabaab ah

ShareWararka24: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in 12 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Bur-Saruur ee gobolka Shabeellaha Dhexe. NISA ayaa sheegtay in howlgalka, oo ay hay’addu sheegtay inay ka qeyb qaateen saaxiibada caalamka, lagu bartilmaameedsaday goob ay ku urursanaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.…
Xamza Cabdi Barre oo sameeyay magacaabis cusub + sawiro

ShareWararka24: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa sameeyay magacaabis cusub oo lagu buuxinayo xilalka agaasimeyaasha guud ee laba wasaaradood oo ka tirsan dowladda federaalka. Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha ayaa Cabdullaahi Ibraahim Cabdi loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, halka Axmed Yuusuf Cabdulle loo magacaabay Agaasimaha Guud…
Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hakiyay hannaankii tartanka furan

ShareWararka24: Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hakiyay shaqooyin la xayeysiiyay oo la xiriiray xilalka Agaasimeyaasha Waaxda Maamulka Shaqaalaha, kaddib qaraar uu Golaha Shacabka ku laalay hannaankii tartanka furan ee uu dhawaan amray Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Golaha Shacabka ayaa 23-kii Sebtembar ansixiyay qaraar uu ku laalay Xeer Lr. 132 iyo…










