Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Obama Iyo Bill Clinton Oo Si Adag Uga Hadlay Howlgallada ICE Ee Minnesota.

26-01-2026 Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo Marwadiisi hore Michelle Obama ayaa si kulul uga hadlay howlgallada ay wadaan ciidamada socdaalka Mareykanka (ICE) ee ka socda gobolka Minnesota, iyagoo dilka Alex Pretti ku tilmaamay “musiibo qalbi-jab leh.”

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 26, 2026, 12:25 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
ICE
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 26-01-2026 Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo Marwadiisi hore Michelle Obama ayaa si kulul uga hadlay howlgallada ay wadaan ciidamada socdaalka Mareykanka (ICE) ee ka socda gobolka Minnesota, iyagoo dilka Alex Pretti ku tilmaamay “musiibo qalbi-jab leh.”

War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen, lamaanaha Obama ayaa sheegay in toogashadu ay tahay digniin culus oo ku wajahan dhammaan Mareykanka, iyagoo xusay in qiyamkii asaasiga ahaa ee dalka ay wajahayaan weerarro isa soo taraya.

“Toddobaadyo badan, shacabka dalka oo dhan waxay si sax ah uga caroodeen muuqaalka shaqaale ICE ah oo wajiyadooda qariyay iyo wakiillo kale oo federaal ah oo si arxan-darro ah u dhaqmaya, una adeegsanaya xeelado cabsi gelin, dhibaateyn iyo kicin, kuwaas oo khatar gelinaya dadka ku nool magaalo weyn oo Mareykan ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen maamulka Madaxweyne Donald Trump inuu sii hurinayo xaaladda, iyagoo sheegay in toogashooyinka dhacay aan lagu samayn baaritaan dhab ah, arrintaas oo ay ku tilmaameen mid si toos ah uga hor imaanaysa caddeymaha muuqaalka. “Tani waa inay joogsataa,” ayay yiraahdeen.

Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa isna si adag u cambaareeyay maamulka Trump, isagoo ku eedeeyay in shacabka Mareykanka laga qariyay xaqiiqda ku saabsan toogashooyinkii ka dhacay Minneapolis oo ay geysteen saraakiisha ICE.

Bayaan uu Axaddii soo saaray, Clinton ayaa ku tilmaamay dhacdooyinka Minnesota “muuqaallo naxdin leh” oo aanu waligiis filayn in ay ka dhacaan Mareykanka. Wuxuu sheegay in dad laga soo qabanayo guryahooda, goobahooda shaqada iyo waddooyinka, iyadoo askartu wajiyada qarinayaan, isla markaana bannaanbaxayaal nabadeed si aan sharci ahayn loola dhaqmay.

Bill Clinton ayaa carrabka ku adkeeyay in dhammaan ficilladaasi yihiin kuwo aan la aqbali karin, isla markaana la iska ilaalin kari lahaa ka hor inta aysan xaaladdu heerkan gaadhin. Wuxuu sheegay in shacabka Mareykanka been loo sheegay marka ay timaaddo toogashooyinka iyo tallaabooyinka ay ICE ka waddo gobolka Minnesota.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

14 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

14 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

17 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

17 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

17 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

18 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

18 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

18 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.