Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Gurmadka Ciidamada oo Ku Qulqulaya Dhinaca Furimaha Gobolka Hiiraan

Gurmadka ciidamada ayaa si weyn u taageeraya furimaha ka socda Gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka Jicibow, halkaas oo Ciidanka Xoogga

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
March 5, 2025, 11:03 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Gurmadka ciidamada
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Gurmadka ciidamada ayaa si weyn u taageeraya furimaha ka socda Gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka Jicibow, halkaas oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ay ku dagaalayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Gurmadka ciidamada
Gurmadka Ciidamada oo Ku Qulqulaya Dhinaca Furimaha Gobolka Hiiraan

Gurmadka ciidamada waxaa ka helaya deegaanada hoostaga Degmooyinka Buuloburde iyo Halgan, si loo xoojiyo gulufka ballaaran ee lagu qabanayo deegaanka Jicibow, oo ku yaal bariga Webiga Shabelle.

Jimcihii hore, labada ciidan (Ciidanka Xoogga Dalka iyo Difaaca Shacabka) ayaa dagaal culus ku qaaday Al Shabaab inta u dhaxeysa dhulka hawdka ee u dhexeeya deegaanada Beera-yabaal iyo Jicibow. Sabtidii, dagaalo goos-goos ah ayaa laga soo sheegay aagaggaasi, iyadoo gurmadka ciidamada si weyn u taageerayo hawlgalada.

Habeen hore, diyaarado aan duuliye lahayn ayaa duqeeyay difaacyada ay Al Shabaab ka difaacayaan deegaanka Jicibow, oo ku yaal qarka webiga. Ciidanka Xoogga Dalka iyo Difaaca Shacabka ayaa laba jiho kaga sii siqaya Jicibow, iyadoo diiradda saaraya sidii looga saari lahaa Al Shabaab.

Gurmadka ciidamada ayaa gaaraya jiidda hore, halkaas oo ciidamadu ay ku sugan yihiin dhanka hawdka ee Beera-yabaal iyo dhinaca kale ee duleedka Degmada Halgan. Shabaabka ayaa sameynaya iska caabin ay ku doonayaan inay ku difaacdaan deegaankaasi, iyadoo Jicibow uu yahay furinta ugu weyn ee dagaalka ka soconaya bariga gobolka.

Weerarka ay ciidamadu ku hayaan Jicibow ayaa laga dareemay deegaanada ka fogfog, iyadoo Saraakiisha Ciidamada ay halkaasi gaynayaan ciidamo fara-badan. 

Gurmadka ciidamada waxaa ka mid ah taageerada dhallinyarada deegaanka,

dhallinyarada deegaanka oo shalay raashiin iyo deeq gaarsiiyay ciidamada, iyagoo u muujinaya garab istaag iyo taageero bulsho oo dhan.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye, oo hoggaaminaya hawlgalka, ayaa sheegay in dagaalku uu sii socon doono. Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, S/guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ku sugan jiidda hore, ayaa isna sheegay in hawlgalkoodu uu geba-gabo marayo.

Gurmadka ciidamada waxaa ka mid ah hub iyo qalab cusub oo la siiyay ciidamada, iyadoo la ogaaday inay muhiim u yihiin sidii looga hortagi lahaa iska caabinta Al Shabaab.

  • Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

    Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

    Muhoozi ayaa sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Peter Elwelu, hub dheeraad ahna la qabtay, kadib markii uu darajada ka qaaday.

    Sii Aqri


    October 29, 2026
  • Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

    Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

    Farmaajo ayaa dalbaday baaritaan madax-bannaan oo ku saabsan dagaalkii Jameeco, wuxuuna ku baaqay in mushaarka ciidamada la kordhiyo.

    Sii Aqri


    October 29, 2026
  • FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

    FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

    Hay’adda Dambi-baarista Federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa baadi-goobaysa Liban Abdulkadir Sheikh, oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dilka nin iyo dhaawaca haweeney ka badbaadday isku day dil oo ka dhacay magaalada Lakewood ee gobolka Washington sannadkii 2002

    Sii Aqri


    October 28, 2026

Share

Wararkii ugu dambeeyay

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

42 minutes ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.